Talaado, April 15, 2008(HOL): Waxaa magaalada Djibouti ee Dalka Jibouti ku kulmay madax ka kala socotay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya iyo Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, kuwaasi oo isugu tegay Dalka Jibouti.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay in ay Magaalada Djibouti kulan kula yeesheen madax ka socotay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay hoggaaminayeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan, wuxuuna sheegay in ay a wada hadleen arrimo ku saabsan dhibaatooyinka ka taagan Dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay isku af-garteen dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen oo ku saabsanaa sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in uu kulankooda ku soo dhamaaday jawi is-af-garad leh.
Dhanka kalena, Wafdiga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay horkacayeen Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay maalintii shalay ahayd la kulmeen Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, kaasi oo ay isla soo qaadeen Arrimo ku saabsan Dalka Soomaaliya iyo sidii loo xalili lahaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
Madaxweynaha Jibouti waxaa uu horay ula kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan xal u helidda Soomaaliya, gaar ahaan sidii dib u heshiisiin looga dhex furi lahaa Dowladda iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Ugu dambeyntiina, Shirarka ay Dowladda Jibouti la leedahay dhinacyada isku haya Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo uu socdo dadaal ay wadaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, kaasi oo ku aadan sidii loo heshiisiin lahaa dhinacyada isku haya Soomaaliya, iyadoo dadaalkaasina uu kaalin firfircoon ka ciyaarayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia