Qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka G/Hiiraan oo canbaareeyay Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta

Sabti, April 12, 2008(HOL):  Qoraal ay si wada jir ah u soo saareen inta badan Ururada Bulshada Rayidka Gobalka Hiiraan ayaa siweyn loogu canbaareeyay Qaraxii dhawaan ka dhacay Magaalada Beledweyne kaa oo inta la og-yahay ay ku geeriyoodeen 9 Ruux in ka badan 25 ay ku dhaawacmeen.
 
Qoraalka oo ahaa kii ugu horeeyay oo looga hadlo weeraradii is daba jooga ahaa iyo  qaraxyadii ka dhacay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado tahay, islamarkaana mudan in la cabaareeyo Qaraxii Miino ee dhawaan ka dhacay Suuq yaraha Magaalada Beledweyne, waxaana Ururada Qoraalka soo saaray sheegeen in weerarkaasi ahaa mid bahalnimo ah Diinita Islaamkana aan raad ku laheyn. iyaga oo dhanka kalana codsaday in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidii ka danbeeysay Qaraxaasi.
 
Qoraalka ayaa dhanka kale looga hadlay in wax laga xumaado tahay in ay soo baxaan dad sida hadalka loo dhigay doonaya in ay Diinta Islaamka ka bixiyaan Sawir aan macquul aheyn, maadaama la aaminsan yahay kooxaha weerarada geysanaya in ay yihiin kuwo u dagaalmaya sidii dalka loogu dhaqi lahaa shareecada Islaamka '''' Kama suurta gasho Qof islaam ah ama xitaa Damiir leh in uu kaco falkaa oo kale, waxaase mar walba xusid mudan in Qofkaa isaga ah  dhibaatada  uu geysto lagula xisaabtami doono Maalinta khiyaamo''.
 
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa dhanka kale waxaa qoraalka looga codsaday in uu awoodiisa isugu geeyo sugida Nabad-galyada dadka Rayidka ah, halka dhinaca kale loogu baaqay Ciidamada in ay ka fogaadaan goobaha dadka rayidka ah ku badan yahay si markaa weerarada ka dhanka ah wax yeelo ugu soo gaarin dadka aan waxba galabsan.
 
Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxiii dhawaan dhacay oo ku jira Isbitaalka Guud ee magaalada Beledweyne ayaa u muuqda kuwo xaaladoodu liidato, waxaana hada soo baxay in qaarkood dhaqaatiirtu sheegeen in ay u baahan yihiin daaweyn heer caalami ah kadib markii ay wax yeelo ka soo gaartay qeybo halis ah.
 
Inkastoo Qoraalka ka soo baxay Ururada Bulshada raydku yahay mid uun ku eg canbaareyn loo jeediyo kooxaha ka danbeeya weerarada ka dhanka  ah shacabka, ayaa hadana waxaa muuqneysa in arimuhu yahiin kuwo mar walba la filan karo in ay dhacaan, Tusaale ahaa waxaa maalintii shalay laga helay mid ka mid ah goobaha sida weyn loogu ganacsado ee Xaafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne Bam kuwa gacanta laga hago ah, waxaana ay arintaa cabsi weyn ku dhalisay inta badan dadka caadiga ah ee ku dhaqan Gudaha Magaalada Beledweyne kuwaa oo hada muujinaya wal wal dhinaca Nabad-galyada ah  mar hadii ay noqdeen bartilmaameed goobaha gancsiga ee dadku ku badan yahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia