Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Guri uu Muqdishio ku leeyahay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe

Cabirka Farta

Sabti, April 12, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen Guriga uu Xaafadda Arjantiin ee Muqdisho ka degan yahay Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Dhexe Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere).
 
Weerarkaas oo qadar daqiiqado ah socday ayaan la soo sheegin wax khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo uu geystay marka laga reebo bur bur soo gaaray guriga Guddoomiyaha oo ay Kooxaha weerarka ku soo qaaday ay rasaaseeyeen.

Ilaalo uu leeyahay Guddoomiye ku xigeenka ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen kooxihii weerarka ku soo qaaday oo aad u hubeysnaa, iyadoo daqiiqado kadibna ay xaaladda caadi ku soo noqotay.

Dhanka kalena, koxoo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay iyana weerar ku qaadeen Garaash ku yaala nawaaxiga Isgoyska Fagax ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku xareysnaayeen gaadiid ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qaarkoo dayactir lagu sameynayay.

Sidoo kalena, weerar kale ayaa waxay xalay kooxo hubeysan ku qaadeen  fariisin ay Ciidamo Itoobiyaan ah ku lahaayeen Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo weerarkaasina uu ahaa mid waqti kooban socday.

Ugu dambeyntiina, xalay maqribnimadii ayaa waxaa uu iska hor-imaad xooggan ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan oo u dhow Fagaarihii Tareebuunka, waxaana iska hor-imaadkaas inta la ogyahay uu sababay dhaawac soo gaaray Dad rayid ah oo gaarayay shan ruux.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia