Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay iska celiyaan Tuugada Dharka Ciidamada wadata

Jimco, April 11, 2008(HOL): Abaanduulaha guud ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif) ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho in ay iska celiyaan kooxaha ku labisan dharka Ciidamada ee dhaca u geysta.

Sareeye Guuto Saalax Liif oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in ragga dhaca u geysta shacabka aysan ahayn Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, “Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku jiraan xerooyin lagu ogyahay, dadkana ma dhacaan, marka waxaan leeyahay Shacabka ha iska celiyeen dadka dhacaya”ayuu yiri Saalax Liif.

Saalax Liif oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in mar dhow Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya loo sameyn doono aqoonsi lagu garto, wuxuuna xusay in marka la helo aqoonsigaas ay meesha ka bixi doonaan Ragga dhaca u geysta shacabka ee wata labista Ciidamada.

Dhanka kalena, Sareeye Guuto Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif) waxaa uu hambalyo u diray dhamaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo uu sheegay in ay maalinta berri ah (12-ka April) ay u dabaal-degi doonaan sanadguuradii 48aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia