Dad bililiqo-doon ahaa oo Gaari Sokor waday ku booday Deegaanka Siigaale ee Degmada Hodan

Jimco, April 11, 2008(HOL): Dad bililiqo-doon ah oo isa soo baheystay ayaa maanta waxay boobeen Gaari N3 ah oo waday Sokor u rarneyd Ganacsato Reer Muqdisho ah, kaasi oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha.

Gaariga oo ka yimid dhinaca Dekedda Muqdisho ayaa mar uu socday Deegaanka Siigaale ee Degmada Hodan waxaa ku soo qamaamay Dad badan oo deegaankaas ka soo yaacay, kuwaasi oo darawalkii gaariga dhagxeyn ku bilaabay ilaa uu gaarigii joojiyay.

Gaarigan oo ay ku rarneyd sokor dhan 450 Loor ayaa waxay dadkani kala degeen 150 Doollar oo laga soo celiyay 50 Loor kadib markii ay dabagaleen Ciidamada ilaalada ka haya Suuqa Bakaaraha oo lagu wargeliyay dhaca loo geystay gaariga sokorta waday oo ku sii jeeday Suuqa Bakaaraha.

Shalay ayay ahayd markii sidan oo kale Dad bililiqo-doon ahaa ay weerar ku qaadeen gaari raashin waday oo marayay nawaaxiga Isgoyska Km4, kaasi oo rogmaday kadib markii ay dhagax ku dhaqreen darawalkii gaariga kaxeynayay, inkastoo aaney suurtagelin in ay raashinkaas bililiqeystaan sabab la xiriirta iyadoo ay u soo gurmadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa nawaaxiga Isgoyska Km4.

Ma ahan markii ugu horeysay oo dad isa soo baheystay oo bililiqo-doon ah ay weeraraan gaadiid u raran ganacsatada Muqdisho, waxaana jiray dhowr Gaari oo raashinkii saarnaa ay la degeen Dad Shacab ah oo sida la sheegay ka cabanaya sicir bararka ka taagan Magaalada Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa waxay falalkan lagu boobayo xoolaha ganacsatada ay u arkaan qalad lagu saxay qalad waayo ganacsatada ayaa horay loogu eedeynayay in ay ka dambeeyaan sicir bararka jira.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia