Talaado, April 01, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay weerar ku qaadeen guri ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin labo Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Guriga weerarka lagu qaaday ayaa waxaa deganaa Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Muuse Nuur Amiin iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka iyo Dekedaha Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa wuxuu ku yaalaa agagaarka Isgoyska KM4, halkaasi oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom ee Magaalada Muqdisho jooga.
Iska hor-imaad dhexmaray Kooxihii weerarka ahaa iyo Ilaalada guriga Wasiirradaas ayaa waxaa uu sababay in ay geeriyoodaan labo ruux oo kala ahaa Askari ka tirsanaa ilaaladii Wasiirrada iyo Haweeney ku sugneyd meel aan u dheereyn halka uu iska hor-imaadka ka dhacay.
Dhanka kalena, qarax xooggan oo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Dugsiga Sare ee Booliska, kaasi oo aan ilaa iyo haatan ogeyn khasaaraha uu geystay.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa muddo sanad ka badan waxaa ka dhacaya weerarro iyo qaraxyo lala beegsado fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya iyo weliba xarumaha mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo weeraradaasna ay qaadaan Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia