Talaado, April 01, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Kuntu-waarey ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo maalmahan ku sugnaa Deegaanka Buulo-Mareer ay halkaas isaga soo baxeen.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah oo watay Gaadiid Dagaal ayaa waxay u soo dhaqaaqeen dhinaca Degmada Afgooye oo uu ku yaalo fariisin ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa intii ay ku sugnaayeen Deegaanka Buulo Mareer waxay kulamo la yeesheen Mas’uuliyiinta maamulka Degmada Kuntu-waarey, kuwaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan ammaanka deegaannada hoos yimaada Degmadaas.
Deegaano ka tirsan Degmooyinka Marka, Qoryooley iyo Baraawe ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxaa ku sugnaa Ciidamo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la shaacin sababtii ay u tageen meelaha ay booqdeen marka laga reebo warar sheegayay in ay raadinayeen Kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka oo loogu sheegay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Ciidamada Itoobiyaanka intii ay ku sugnaayeen deegaannada Gobolka Shabeelaha Hoose ma arkin cid ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo mas’uuliyiinta maamullada ay la kulmeena ay u sheegeen in aysan Gobolka Shabeelaha Hoose joogin cid ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia