Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo u digay Xildhibaano Bastoolado la galay Fadhiyada Baarlamaanka

Talaado, August 14, 2007(HOL): Gudddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa maanta digniin u jeediyay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo bastoolado la gala fadhiyada Baarlamaanka.

 

Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay ka war-hayaan Xildhibaannada fadhiyada Baarlamaanka ka qeybgala iyagoo Bastoolado wata, wuxuuna u sheegay in aan la aqbali doonin in ay mar kale fadhiyada ka soo qeybgalaan iyagoo hubeysan.

 

Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu yimid kadib markii ay Ilaalada Xarunta ADC-da ee uu ku shiro Baarlamaanka Soomaaliya ay ku wargeliyeen Guddoomiyaha in ay jiraan Xildhibaano Bastoolado la soo gala Xarunta ADC-da, iyagoo sheegay in ay Bastooladahaas arkeen xili ay Xildhibaannada baarayeen.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa fadhiyada ay yeeshaan ku dhexmara dood kulul oo mararka qaarkood gaara in ay gacanta isula tagaan, sida dhacday 17-kii Maarso 2004, xiligaasoo Hotelka Grand Regency ee Nairobi ay dhiig isaga daadiyeen, sidaas darteedna warkan ku saabsan in Xildhibaanada qaarkood ay kulamada la soo galaan Bastoolado ayaa wuxuu muujinayaa sawir kale oo aan qurux badneyn.

 

Dhanka kalena, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shanaad waxay maanta dhegeysteen waxqabadka Wasaarado ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay wax ka weydiinayaan wixii ay soo qabteen muddo lix bilood ka badan oo aysan Baarlamaanka hor imaanin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia