Golaha Siyaasadda iyo Xiriirka Beesha Gaal-Jecel oo Dowladda Itoobiya ka dalbaday in ay Tafaasiil ka bixiso Dil ay Ciidamadeeda u geysteen G/lle Sare Aadan Maxamed Cabdi Koryeeriy

Talaado, August 14, 2007(HOL): Golaha Siyaasada iyo Xiriirka Beesha Gaaljecel ayaa cambaareeyay Dil ay Ciidamada Itooobiya ugu geysteen deegaanka Suuqa Xoolaha G/lle Sare Aadan Maxamed Cabdi (Aadan Koryeeriy). Golaha waxaa uu sheegay in marxuumka oo aan waxba galabsan ay Ciidamada dileen isagoo watay howl-maalmeedkiisa u gaarka ah.

 

Taariikh Nolaleedka Marxuumka

 

Wuxuu ku dhashay Degmada B/burte ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1949, isagoo waxbarashadiisa Heer Diimed iyo mid Maadiba ku dhameystay Gobolka Hiiraan G/sare Aadan waxuu ku biiray Ciidamada Xoogga Dalka kadib markii uu dhameeshtay Kuliyadda Tababarka Sargaalnimo sanadkii1973, kadibna  wuxuu ka mid noqday Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna ka qeyb qaatay  Dagaalkii 1977 Asagoo ka tirsanaay Guutadii 10aad ee uu watay Col: Axmed Teerso oo ku geeriyooday Dagaalkii 1977, kadibna wuxuu hoggaanka u qabtay Ciidamadii isagoo guulo la taaban karo ka soo hooyay, inkastoo uu dagaalkaas ku soo dhaawacmay.

 

Alle ha  u naxariistee G/sare Aadan Koryeeriy waxuu ka mid ahaa saraakiishii waxbarashada loogu diray Dalka Masar sanadkii 1982, wuxuuna soo bartay maamulka Saadka Ciidamada. Wuxuu madax ka ahaa ilaa xiligii Ugu dambeeyay ee dawladii Militariga Ciidamadii qeybtii 60aad  ee Baydhabo, wuxuuna ka tirsanaa Taliska Saadka.

 

G/sare  Aadan Koryeeriy  wuxuu ka qeyb galay Shirkii lagu hashiisiinay beelahii ku abtirsanaa Urur-weynihii U.S.C ee lagu qabtay  Magaalada B/weyne sanadkii 1998, kaasi oo  lagu dhisay Ururkii Golaha Wada-tashiga iyo Nabadeynta Soomaaliyeed. Golahaas oo uu Guddoomiye ka haa Col. Cumar Xaashi Aadan wuxuu marxuumka ka ahaa ku

 

Marxuumka wuxuu  ka mid ahaa Golaha Siyaasadda iyo Xiriirka Beesha Gaaljecel, isagoo ahaa Xubin Fir-fircoon. Alle  ha u naxariisto Col: Aadan Koryeeriy, Qoyskiisina samir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

 

Ugu dambeyntiina waxaan ugu baaqeynaa Dowladda Itoobiya in ay tafaasiil ka bixiso dilka ay ciidamadeeda u geysteen marxuumka Aadan Koryeeriy, waxaana caddeyneynaa in haddii ay tafaasiil bixin weydo aan indhaha laga qabsan doonin arrintaas iyo kuwo kale oo badan.

 

 

Afhayeenka Golaha Siyaasada iyo Xariirka Beesha Gaaljecel

Daahir Sheikh Aamin (Daahir Jeesoow)