Khamiis, October 19, 2006(HOL): Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh C/raxiin Cali Muudeey ayaa sheegay in ay magaalada Muqdisho dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen xubno gacan yarayaal u ahaa Hoggaamiye Kooxeedyadii ku bahoobay Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada ee Muqdisho isaga cararay.
Shiikh C/raxiin oo ka gaabsaday in uu magacaabo ragga uu sheegay in dhaqdhaqaaqyada bilaabeen ayaa ku goodiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay raggaasi joojin waayaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan, “Raggaas horay ayaa loo cafiyay, waana la soo dhaweeyay balse haddii ay haatan dib ugu noqdaan falalkoodii hore lama cafin doono waxaana lagu qaadi doonaa dembiyadii ay horay u galeen”ayuu yiri Shiikh C/raxiin Cali Muudeey.
Xoghayaha Warfaafinta Maxkamadaha Islaamka waxaa uu ugu baaqay xubnihii Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada inay dadkooda dhinac ka raacaan, isla markaana ay ka qeybqaataan soo celinta ammaanka iyo dib u dhiska dalkooda, “Haddii ay doonaan waxay geli karaan ganacsi, haddii ay doonaana waxay sameysan karaan mehrado kale, marka waxaan leenahay iska daaya waxyaabaha aan faa’iidada idinkugu jirin ee ka soo horjeeda danaha shacabka”ayuuna yiri Shiikh C/raxiin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia