Khamiis, October 19, 2006(HOL): Waxaa maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho Culumaa’udiin ka yimid deegaanada Puntland, kuwaasi wada hadallo la leh mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
Culumaa’udiinkan oo ay ka mid yihiin Shiikh Cabdiqani Qorane Maxamed, Shiikh Cabdullaahi Faarax Maxamed iyo Shiikh Cabdiladiif Muuse Nuur Yare ayaa waxaa sheegeen in ay u yimaadeen magaalada Muqdisho sidii ay u soo eegi lahaayeen is-bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ay indhahooda ugu arki lahaayeen.
Shiikh Cabdiqani Qorane Maxamed oo hoggaaminaya Culumaa’udiinkan ayaa sheegay in ay is-arkeen mas’uuliyiinta sare ee Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo ay is-barteen, isla markaana ay ka wada hadleen sidii ku dhaqanka Shareecada Islaamka loogu baahin lahaa deegaanada Puntland. Shiikha wuxuu intaas ku daray in Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2001 ay ku arkeen is-bedel weyn iyo nabadgelyo lagu isku haleyn karo, wuxuuna caddeeyay in aan isbedelkaas la heli lahayn haddii aan Qaab Islaami ah loo raadin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia