
Isniin, November 13, 2006(HOL): Ururka Somali Women and Children Rescue Organization oo ah urur inta badan gacan siiya dadka dhibaateysan ayaa waxa uu deeq gaarsiiyay Asad Aadan Turaabi oo ah wiil da’diisu tahay 9-jir, isla markaana la dhibaateysan biyo madaxa ka galay, kaas oo wax looga qaban waayey dalka gudihiisa, waxaana wiilkaan gacanta ku haya Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole.
Deeqdaan oo ka koobneyd Sariir, Joodari, Qalabka lagu saxaroodo iyo alaabo yar yar oo uu Asad baahi weyn u qabay, deeqdaan oo uu ururku soo gaarsiisayey Maxamuud Cabdi Kariin ayaa waxaa ka gudoomay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Islaamiga ah ee Shiirkole Cali Xasan.
Deeqdaan, waxaa guddoonsiinteeda goob-joog ka ahaa xubno ka tirsan Ururka Somali Women and Children Rescue Organization oo ay ka mid ahaayeen Yaasmiin Mayow Max’ed iyo Amiin Yuusuf Khasaaro, waxaana guddoonsiintii kaddib halkaasi ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Shiirkole oo mahad celin u jeediyey Maxamuud Cabdi Kariin iyo intii kale ee ka horeysay ee iyana deeqda soo gaarsiisay, waxa uuna sheegay in wiilku uu u baahan yahay Isbitaal dibadeed, xanuunkiisana uu soo kordhayo, iyadoo haatan uu qalal ku soo biiray xanuunka, sidaas darteedna wuxuu ku booriyey Bulshada Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii qaliin loogu sameyn lahaa wiilkaasi.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia