Isniin, November 13, 2006(HOL): Waxaa xabsiga Maxkamadaha Islaamka ee magaalada Muqdisho ku xiran 8 nin oo ka tirsanaa Kooxihii Burcad Badeedka ahaa ee af-duuban jiray Maraakiibta ku socdaala Xeebaha Soomaaliya ee Ganacsiga iyo Dalxiiska isugu jira, kuwaasi oo dhawaan Maxkamad la soo taagi doono.
Raggan Burcad Badeedka ah oo iyaga iyo Markabkii ay saarnaayeen ay Muqdisho soo gaareen ayaa waxaa la soo taagi doono Maxkamadda Gobolka oo hoos tagta Golaha Maxkamadaha Islaamka, sida uu shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in uu soo af-jarmay isku daygii lagu carqaladeynayay ganacsiga Soomaaliya, wuxuuna arrintaas uga mahadceliyay Mas’uuliyiinta Degmada Xarar-dheere iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee deegaankaas ka howlgala oo iyagu u baabac dhigay in ay xoog ku soo furtaan
Markab dhawaan deegaanadaas lagu af-duubtay.
Shiikh Shariif waxaa uu arrin taariikhi ah ku tilmaamay in maanta shacabka Soomaaliyeed uu iska difaaci karo burcad badeedka, wuxuuna caddeeyay in af-duubyadii loo geysanayay Maraakiibta ku socda Xeebaha Soomaaliya ay ka dambeysay siyaasad, wuxuuna ugu baaqay dad uu sheegay in ay ka dambeeyeen in ay howlahaas ka qancaan, bacdamaa sida uu yiri shacabka Soomaaliya uu arrintaas ka dagaalamayo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia