Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
UN Report

2007 DV
 




Wararka Maanta - Isniin - Oktooba 31, 2005










·
· MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE: "Kursiga ay Soomaaliya ku leedahay Qaramada Midoobay waxaad fariisiseen Dowlad aaney jirin meel ay ka taliso, Innagoo leh Nidaam, Nabadgelyo, Kala dambeyn iyo Dimoqraadiyadna waad noo diideen"
  Ciidamo Boolis ah oo lagu diyaarinayo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo
  Kala diristii Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo laga laabtay












Xildhibaan Barre Hiiraale oo dib u bilaabaya Dadaalkiisii Heshiisiinta Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliyeed

Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale Wasiirka dib u dhiska iyo dib u dejinta Xukuumadda Federaalka -                        Sawirka/Abudwaq.com

Isniin, October 31, 2005(HOL): Warar lagu kalsoon yahay oo aynu ka helnay ilo ku dhow dhow Wasiirka Dib u dhiska iyo Dib u dejinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegaya in maalmaha soo socda uu Wasiirku u amba bixi doono magaalada Nairobi, si uu u sii wado waan waantii uu ka dhex waday labada garab ee ay u kala jabtay Dowladda Federaalka.

Xildhibaan Barre ayaa la filayaa in uu magaalada Nairobi kula kulmo Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, isagoo kala hadli doona sidii wada hadal loola geli lahaa xubnaha ku sugan magaalada Jowhar.

Wasiirka ayaa qorsheynaya in uu si fool ka fool ah isugu keeno Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, si uu xal ugu helo madmadowga ku dhex jira ee beryahaan dambe aadka u sii xoogeysanaya.

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Wasiirku uu xiriir dhinaca Taleefoonka ah la sameeyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, uuna ka ogolaaday wada kulanka isaga iyo Shariifka, inkastoo aan la sheegin halka ay ku kulmi doonaan iyo waxa uu ka dhihi doono Guddoomiyaha Baarlamaanka dadaalka uu wado Xildhibaan Barre Hiiraale.

Horay ayaa waxaa u soo baxay warar sheegayay in Col. Barre Hiiraale uu Magaalada Kismaayo ku martiqaaday Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, laakin waxaa loo maleynayaa in ay adkaatay arrintaas maadaama aan la isku haleyn karin ammaanka magaalada Kismaayo oo dhawaan lagu dilay Sarkaal Soomaali ah oo u shaqeynayay Qaramada Midoobay.

Xildhibaan Barre Hiiraale oo mar sii horeysay magaalada Muqdisho socdaal ku tegay ayaa wuxuu halkaas ka bilaabay dadaal uu doonayay in wada hadallo uga dhex furo Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee kala jooga magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, hayeeshee dadaalkiisaas wuxuu noqday mid socon waayay kadib markii ay ka horyimaadeen xubno Muqdisho ku sugan oo heshiiskaasna muhiim u ah, inkastoo ay jireen warar kale oo sheegayay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan uu ka dalbaday Xildhibaan Barre in uu la sugo ammaanka Dadaalka Dib u heshiisiineed ee uu wado.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




MADAXWEYNE DAAHIR RIYAALE: "Kursiga ay Soomaaliya ku leedahay Qaramada Midoobay waxaad fariisiseen Dowlad aaney jirin meel ay ka taliso, Innagoo leh Nidaam, Nabadgelyo, Kala dambeyn iyo Dimoqraadiyadna waad noo diideen"

Isniin, October 31, 2005(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda isku magacaabay Somaliland Md. Daahir Riyaale Kaahin oo xalay magaalada Hargeysa kula kulmay Ergayga Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah Arrimaha Soomaaliya Ambassador Francois Lonseny Fall ayaa cambaareeyay ku fariisashada kursiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay ku fariisatay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo ergaygana ka codsaday in uu Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ka gaarsiiyo ashatakadiisa la xiriirta arrinta Kursiga Soomaaliya.

"Kursiga ay Soomaaliya ku leedahay Qaramada Midoobay waxaad fariisiseen Dowlad aaney jirin meel ay ka taliso, Innagoo leh Nidaam, kala dambeyn iyo Dimoqraadiyadna waad noo diideen, xitaa Qaramada Midoobay waxay qarisay horumarka aanu ku tallaabsanay"ayuu yiri Madaxweyne Riyaale oo hadal ka jeediyay xaflad casho ahayd oo loo sameeyay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin waxaa uu sheegay in muddo 15 sano ah lagu cadaadinayay in ay ku biiraan Qaran aan jirin, wuxuuna ku eedeeyay Qaramada Midoobay in ay indhaha ka qabsatay horumarka dhinacyada Dimoqraadiyadda iyo Nabadgelyada ah ee ka jira Somaliland, isagoo weliba tilmaamay in ay Somaliland ay ka wanaagsan tahay Dalal badan oo Adduunyada ku yaala, kuwaasi oo la sheego in ay madax banaan yihiin.

Madaxweyne Riyaale ayaa si aad ah uga warbixiyay qaabkii ay u dhacday Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland iyo kaalinta ay Somaliland ka qaadaneyso la dagaalanka Argagixisada iyo hirgelinta Dimoqraadiyadda, wuxuuna ka codsaday ergayga Qaramada Midoobay in uu Golaha Ammaanka iyo Xoghayihiisa guudba uu u gudbiyo xogta dhabta ah ee uu Somaliland kula soo kulmay.

Danjire Fall oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay horumarka ay gaareen dadka Reer Somaliland oo uu indhahiisana ku arkay, isagoo ka cudurdaartay imaasho la’aantiisii hore ee Somaliland, wuxuuna sidoo kale ammaanay Ergayga Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo ay Guddoomiyayaashooda xaadir ku ahaayeen Xafladdii Casho sharafta ahayd, isagoo ballanqaaday in uu Warbixinta looga dhiibay Somaliland gaarsiin doono Golaha Ammaanka.

Waa markii ugu horeysay ee uu Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Danjire Francois Fall booqdo magaalada Hargeysa, iyadoo tegitaankiisana lagu fasiray mid uu ku soo jiidanayo maamulka Somaliland.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ciidamo Boolis ah oo lagu diyaarinayo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo

Isniin, October 31, 2005(HOL): Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta la isugu yeeray Ciidamadii hore ee Booliska kuwoodii ka howlgeli jiray Gobolka Gedo.

Isugu yeeritaanka Ciidamadan ayaan la ogeyn in ay ku lug leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, waxaase la sheegay in ay wadaan maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil horay uga tirsanaan jirtay Ciidamadii Booliska Soomaaliyeed.

Maxamed Macallin oo ah Saxafi jooga Degmada Baardheere ayaa sheegay in tirada ciidamada la diiwaangelinayo ay gaarayaan ilaa shan boqol oo Askari, inkastoo ay u badan yihiin Askar howlgab ah, waxaana is-diiwaangelinta ay ka socotay Saldhigga Degmada Baardheere, iyadoo Maanta oo Talaado ahna is-diiwaangelin noocan oo kale ah laga bilaabi doono Saldhigyada Degmooyinka Garbahaareey, Luuq iyo Buulo Xaawo.

Waa markii ugu horeysay ee sidan oo kale loo diiwaangeliyo Ciidamada Booliska Gobolka Gedo, iyadoo la ogyahay in Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka Jen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe) uu muddo ku sugnaa gobolkaas, halkaasi oo uu ka waday diyaarinta Ciidamo Boolis ah oo ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Kala diristii Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed oo laga laabtay

Isniin, October 31, 2005(HOL): Waxaa todobaadkan dib loo soo celiyay ciyaartoydii xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya kadib markii dhawaan la kala diray, taasoo ugu wacneyd markii ay isla fahmi waayeen seddexda guddoomiye ee isku heysata madaxtinimada Xiriirkaas.

Sida ay sheegayaan wararka waxaa kulan isugu yimid seddexda Guddoomiye iyo xubnaha kale ee xiriirka, iyagoo isku raacay in dib loo soo celiyo ciyaartoydaas, sida uu sheegay Cabdi Qani Siciid Carab oo Xoghayaha guud ee Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed garabka Bashiir Goobe.

Cabdi Qani ayaa intaas ku daray in seddexda mas’uul ee xiriirka ay isku af-garteen in sidoodii loo soo celiyo 22-ka ciyaartoy, isagoo beeniyay in markii horeba uu isaga soo abaabulay ciyaartoyda isagoo aan la tashan madaxda Xiriirka.

Ciyaartoyda iminka la diyaarinayo waxay u badan yihiin ciyaartoydii hore ee u ciyaari jiray Kooxihii la aasa aasay intii ay socdeen dagaalladii sokeeye, waxaana ka mid ah Gaduudow, Mustaf, Wakiil, Akiila, Shaarkeey, Cabdi Joon, Cabdi Casiis Gureey iyo kuwo kale, waxaana la filayaa in si deg deg ah loo xareeyo si loo sii wado tababarkooda. Ciyaartoyda Xulka Qaranka ayaa waxay ka qeybgeli doonaan Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo lagu qaban doono dalka Ruwanda 15-ka bishan November.

Diyaarinta ciyaartoydan ayaa waxay ku soo beegantay xilli uu muran ka dhex taagan yahay Guddoomiyenimada Xiriirka K/Cagta, taasoo ay wax ka qaban waayeen xitaa Xiriirka K/Cagta ee Qaaradda Afrika oo ku qasbanaaday in mar kasta oo Tartan Caalami ah la qabanayo uu la soo xiriiro qeybaha uu u kala jaban yahay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online