UN Report

2007 DV




Wararka Maanta - Talaado - Nofember 08, 2005










·
· Afduubka Maraakiibta Badeecooyinka Ganacsi geysa Soomaaliya oo durba saameyntooda ay soo baxeyso
  Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho soo gaaray iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo Jowhar ku laabtay












Guddoomiyaha Baarlamaanka  oo Xubnaha Dowladda Federaalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Muqdisho ka dhigaan sida Caasimado uu soo arkay

Talaado, November 08, 2005(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan oo saacad kadib markii uu ka degay Garoonka Dayniile hoygiisa ugu waramayay Suxufiyiinta waxaa uu ugu horeyn sheegay in uu aad uga xun yahay qaraxii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee lala beegsaday Ra'iisal Wasaare Geedi, wuxuuna u tacsiyeeyay ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaasi.

Guddoomiye Shariif Xasan waxaa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in uu ka xun yahay waxyaabaha ka dhacaya Xeebaha Soomaaliya, wuxuuna dadka falalkaas geysanaya ka codsaday in ay joojiyaan cunaqabateynta ay u geysanayaan dadkooda, "walaalayaalow waxaan idinka codsaneynaa in aad joojisaan afduubka aad u geysaneysaan Maraakiibta Batroolka, Raashinka iyo Samafalka ugu socda Soomaaliya"ayuuna yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo markii uu ka soo degay Garoonka Dayniile kadib la geeyay Gurigiisa ku yaala Degmada Hodan ayaa wuxuu mahadcelin ballaaran u jeediyay dadkii soo dhaweeyay iyo weliba mas'uuliyiintii Dowladda ee soo dhaweyntiisa ka qeybqaadatay.

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu ka cudur daartay ka soo raagitaankiisii Muqdisho, wuxuuna sheegay in intii uu maqnaa uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalal Arrimaha Soomaaliya daneynayay oo casuumado u fidiyay Baarlamaanka Soomaaliyeed, isagoo shacabka Soomaaliyeed iyo weliba xubnaha Dowladda Federaalkana ugu baaqay in ay ku dadaalaan sidii ay Muqdisho uga dhigi lahaayeen sida Caasimadihii uu soo arkay intii uu Dalka Dibaddiisa ku maqnaa, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen: New York, Washington, Toronto, Ottawa, London, Stockholm, Lund, Helsinki iyo kuwo kale.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ay la socdeen xubno Xildhibaano ah oo ay ka mid yihiin Prof. Ibbi, Caasha Axmed Cabdalla, Maxamed Xasan Daryeel iyo xubno kale ayaa socdaallo ku tegay dalalka Mareykanka, Canada, Sweden, Finland iyo Ingiriiska, iyagoo halkaasina kula kulmay mas'uuliyiin ka tirsan dowladahaas iyo weliba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan, kuwaasi oo uu la soo qaaday arrimo ay ka mid ahaayeen in ay taageeraan Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan Hay'adda Sharci dejinta ee uu madaxda ka yahay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo muddo 4 bilood ku dhow dalka Dibadda uga maqnaa ayaa imaatinkiisa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta uu magaalada Muqdisho ka amba baxay Ra'iisal Wasaare Geedi oo muddo seddex cisho ah ku sugnaa Xamar, isla markaana Xafiis sii fuliya howlaha Xukuumadda Federaalka ka furay Xaruntii Villa Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Afduubka Maraakiibta Badeecooyinka Ganacsi geysa Soomaaliya oo durba saameyntooda ay soo baxeyso

Talaado, November 08, 2005(HOL): Mas'uul u hadlay Warshadda cabitaannada Coca-Cola ee fadhigeedu yahay magaaalda Muqdisho ayaa sheegay in afduubka Maraakiibta Badeecooyinka Ganacsi geeya Soomaaliya, gaar ahaan Koofurta Soomaaliya ay ku xanibmeen alaabo ay lahayd Warshadda oo soo saarta cabitaanada Coca-Cola, Fanta iyo Sprite.

Maxamed Cawaale oo ka tirsan qeybta Suuq geynta Shirkadda Coca Cola ayaa sheegay in aaney wax weyn iska bedelin wax soo saarkii shirkadda ee dhinaca cabitaannada, inkastoo uu xusay in ay jiraan alaabo dalka dibaddiisa uga xayiran sabab la xiriirta afduubka loo geysanayo Maraakiibta isaga kala gooshta xeebaha Soomaaliya.

Mr. Cawaale waxaa uu caddeeyay in Shirkadda Coca Cola ay awood u leedahay in ay saacaddiiba soo saarto 30 kun oo dhallo oo cabitaano ku jiraan, isla markaana ay howsheeda u wadato sidii caadiga ahayd, isagoo intaas ku sii daray in gaadiid badan oo cabitaano u sida Suuqyada Magaalada Muqdisho ay subax kasta ka baxaan xarunta Shirkadda.

Shirkadda Coca Cola oo ay ka howlgalaan shaqaale aad u tiro badan oo ku nool ayaa waxay dabooshay baahidii ay dadka Soomaaliyeed u qabeen in ay helaan cabitaan tayo sare leh oo weliba dalkooda loogu farsameeyay, waxayna dad badan oo qabatimay cabitaannada ay soo saarto Warshaddan ay sheegayaan in ay ka tayo wanaagsan yihiin kuwii horay looga keeni dalka Dibaddiisa, kuwaasi oo xitaa ay dhici jirtay in ay cabaan iyagoo taariikhdooda ay dhacsan tahay.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, saameynta ay la imaanayaan af-duubka Xeebaha Soomaaliya loogu geysanayo Maraakiibta Badeecooyinka u sida Soomaaliya ayaa durba la dareemayaa, iyadoo haddii aan wax laga qabanna ay mustaqbalka dhow la imaan doonaan cunaqabateyn iyo sicir barar ku yimaada badeeciiyinkii horay u yiilay dalka, gaar ahaana kuwa Bakhaarada ugu keydsan ganacsatada Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho soo gaaray iyo Ra'iisal Wasaare Geedi oo Jowhar ku laabtay

Talaado, November 08, 2005(HOL): Ra'iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cali Maxamed Geedi oo muddo seddex maalmood ah ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Wafdiga Ra'iisal Wasaaraha ayaa ka hor intii aysan Muqdisho ka amba bixin wuxuu saxaafadda u sheegay in ku laabashadooda Jowhar ay la xiriirto sidii ay halkaas kulamo ugula yeelan lahaayeen wafdi ka socda Ururrada Jaamacadda Carabta, IGAD, Midowga Afrika iyo Dowladda Sweden.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka socota qaban qaabo loogu jiro sidii loo soo dhaweyn lahaa wafdiyo ka kala socda Ururada Jaamacadda Carabta, IGAD iyo Midowga Afrika, iyadoo maantana ay magaaladaas gaareen xubno ka socda Safaaradda Sweden ee ku taala magaalada Nairobi.

Ra'iisal Wasaare Geedi oo markii uu Muqdisho imaanayay 6-dii bishan lagu soo dhaweeyay qarax Bambaano oo ay dad ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa intii uu joogay Xamar waxaa uu kulamo la qaatay xubno Wasiiro iyo Xildhibaano isugu jiray oo ku sugnaa magaalada Muqdisho, inkastoo aysan is-arkin Xildhibaano iyo Wasiirro muhiim ah oo si bareer ah isaga diiday in ay kulan la yeelanayaan Ra'iisal Wasaare Geedi.

Prof. Geedi isla maalintii uu soo gaaray magaalada Muqdisho wuxuu ka sheegay Xarunta Villa Somalia in uu albaabadiisa wada hadal u furayo Xubnaha Dowladda Federaalka ku jira ee sida weyn uga soo horjeeda, inkastoo uu hadana shalay shaaca ka qaaday in uu albaabadaas xirtay kagadaal markii sida uu yiri ay wada hadalladaas diideen xubnihii loogu talagalay.

Ra'iisal Wasaaraha oo isu qaban qaabinaya socdaallo uu ku tago dalal Yurub ka tirsan, gaar ahaan Dalka Bilgium oo uu uga qeybgeli doono shir ay isugu imaanayaan madaxda Midowga Yurub ayaa socdaalkiisii Muqdisho soo gaabiyay, iyadoo sababta uu socdaalkiisaas u soo gaabiyayna ay warar kala duwan ka soo baxayaan. Wararka qaar waxay leeyahay Ra'iisal Wasaaraha waxaa soo food saartay Xaalad dhinaca ammaankiisa ah kadib markii labo jeer oo uu Muqdisho yimid naftiisa halis la geliyay, halka kuwo kalena ay leeyihiin Ra'iisal Wasaaraha waxaa uu u deg degay howlo shaqo iyo socdaallo uu Dibadda ugu amba bixi doono.

Dhanka kalena, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Md. Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa isna maanta gaaray magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo afar bilood ku dhow oo uu socdaallo ku soo kala bixinayay Dalal ka tirsan Qaaradaha Ameerika, Yurub, Asia iyo Afrika.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxaa garoonka Dayniile si weyn ugu soo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee Muqdisho, kuwaasi oo ay horkacayeen Wasiirka Amniga Maxamed Qanyare Afrax, Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka degay Garoonka Dayniile oo horay loo shaaciyay in aaney diyaaradaha ka taga Kenya ku degi karin ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay xubno ku fikir ah oo aan ka xusi karno Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato), Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Xildhibaanad Caasha Axmed Cabdalla iyo xubno kale.

Si kastaba arrintu ha ahaatee Ra'iisal Wasaarihii maanta ayuu Muqdisho ka baqoolay, Ra'iisul Baarlamaankiina Muqdisho gaaray, waxaana su'aali ka taagan tahay sababta ay Muqdisho isugu baneeyeen oo aysan isugu soo gaarin, inkastoo jawaabta su'aashaasi ay dad deg-degay ka dhigeen in aysan dooneyn in ay ka heshiiyaan khilaafka dhex yaala, sidaas darteedna ay magaalada isugu firaaqeeyeen.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Geedi ayaa waxay aaminsan yihiin in xubnaha Dowladda ay iyaga dhexdooda ka heshiin karaan waxa ay isku diidan yihiin, halka Guddoomiyaha Baarlamaankana uu qabo in loo baahan yahay dhexdhexaadin iyo in ay Qaramada Midoobay u dhaxeyso labada garab ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online