XAFLAD AAD IYO AAD U BALLLARAN OO LAGU CALEMO SAARAYAY UGAAS XASAN UGAAS MAXA’ED UGAAS NUUR UGAASKA BEESHA CEYR
 

Ugaaska Xasan Ugaas Maxamed oo la caleema saarayo

Xafladdan oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxa ka soo qeyb galay wufuud heer sare ah oo isugu hirto hogaamiye dhaqameedyo iyo madax sare oo ka socotay dowladda federalka ee Soomaaliya. hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee ka soo qeyb galay xafladdan ayaa waxa ka mid ahaa Ugaas C/Raxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo horkacayay wafdi isugu jiray Ugaasyo, Wabaro iyo Cuqaal ka soo jeeda beelaha deggan gobolka Hiiraan.

Maalintii shalayto ahayd ayaa waxa la sugyay wafdi kale oo laga filayay magaalda kismaayo, oo uu Ugaas Ciise balse ay si weyn cudur daar uga bixiyeen kaddib markii ay ka soo habsaamtay diyaaraddii ay sugayeen, taasoo ay si weyn uga mahadnaqeen ugana oggolaadeen cudurdaarkan loo qaateenka ah, sida uu ii sheegay Salaad Cismaan Rooble oo ka mid ahaa xubnaha sare ee guddiga qaban qaabada caleema saarka Ugaaska.

Haddaba suxabnimadii shalayto ayaa waxa billowday fantsyo iyo dabaaldeyo kala duwan oo lagu soo dhoweynayo wufuudda u timid caleemo saarka Ugaaska. Waxa si aad u camiray goobaha lagu ciyaarayay ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, dhallinyaro isugu jirtay wiilal iyo gabdho oo ay ka muuqatay farxad wejiyadooda.

Sidoo kale waxa jiray niman dhallinyaro ah oo fardo fuulka caan ku ah oo iyagana ku tartamayay fardaha kuna dabbaal degayay ayagoo hadba koox koox u socda. Waxa si weyn oo muuqata iyagana xafladdan uga soo qeyb galay Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed xafiiks ay ku leeyihiin degmada Dhuusamareeb ee gobolka galgaduud oo ay horkacaysay madaxa Caafimaadka Nasro Ismaaciil, wallow aysan jirin wax shil ah oo goobta ka dhacay habayaraatee, balse ay diyaar u ahaayeen haddii ay wax dhacaan.

Intaa kaddib waxa billowday oo la gudagalay howlihii caleemo saarka Ugaaska. Koox Culumaa’uddiin ah oo digri qaadayay ayaa Ugaaska ugu tagay Aqal Soomaali uu ku jiray Ugaasku, una soo galbiyay goobtii caleemo saarka oo ahayd meel si aad iyo aad ah looga shaqeeyay loona qurxiyay, oo ay xaadir ku ahaayeen dhammaan ka soo qeybgaleyaashii xafladdan.

Ugaaska Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur

Ugaaska Xasan ayaa markii uu soo gaaray goobta isla markiiba xambaaray oo kor intay uqaadeen ku soo dhex wareejiyay goobta, waxa la fariisayay kursi yar, oo Madaxa sida qof koofiyad loo saarayo loogu saaray Xariirtii Ugaasnimo, kaddibna dhiilo ay Caano ka buuxeen lagu shubay Ugaaska ilaa uu ka harqado. kaddibna waxa lagu celiyay aqal Soomaaligii Quruxda badnaa dharkana laga soo beddelay.

Arrinta iigu yaabka badnayd oo aan illaa iyo hadda la fajacsanahay ayaa waxay ahayd, markii Ugaaska dharka laga soo beddelay oo uu soo baxay ayuu Faras ku booday oo dhallinyaradii tartan la galay kagana guuleystay, isagoo aanan haba yaraatee laga dareemaynin ruxashada sida dhalliyarada qaarkood ay farduhu u raxayeen.

Kaddibna Ugaaskii oo wata Faras aad iyo aad u Qurxoon ayaa Faraskiisii la soo galay Teendhadii weynayd ee Caleema saarka, dadkiina ka salaamay Faraska dushiisa, kaddibna la fariiyay kursi weyn oo dheer oo dhinac yiilay mari sharaftii kala duwanayd ee ka soo qeyb gashay munaasabaddan.

Kaddib waxa billowday khudbadihii iyo hadaladii marti sharaftu ugu talagashay inay halkaas ka soo jeediyaan oo ahaydna mid aad iyo aad u dheer oo gaartana illaa xalayto fiidnadii.

Waxa billabay furayna khudbaddan Afhayeenka Maxkamadda hirgelinta kudhaqanka shareecada Islaamka Sheekh Axmed Ibraahim Jibriil, waxana uuna sheegay in sababaha ugu weyn ee ay Ugaaska u caleemo saarteen ay tahay inuu sii adkeeya nidaamka islaamiga ah ee haddaba loga dhaqmo gobolada dhexe ee Soomaaliya uuna yahay Imaam.

Kaddibna waxa hadalkii qaatay Guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cadde Xasan gaabow oo hogaaminayay wafiga ballaran oo kayii\mid Muqdisho, waxana uu marka hore saaray Cimaamaddii uu ugu soo talagalay Ugaaska una hambalyeeyay Ugaaska kana meahadceliyay sidii diirranayd ee loogu soo dhoweeyay halkan. Mudane Cadde ayaa sheegay inay ka cudur daarteen imaashaha shirkan Wasiirka arrimaha gudaha iyo RW Cali Max’ed Geeddi howlo ay hayeen awgeed.

sidoo kale waxa halkaas hadal mahadnaq ah ka soo jeediyay Rolf Helmrich Wakiilka uga ahaa xafiiska Qaramada Midoobay wakiilna ka ahaa Maxwell Gaylard, ayaa waxa uu fududeeyay diyaaraddii UN-ka ee wafigan Muqdisho ka soo qaadday, waxana uu halkaas uga hambalyeeyay Ugaaska Xasan waxana uu ka codsaday dadkii soo Caleemasaartay inay la shaqeeyaan Ugaaska oo aysan caleemo saar kaliya uga tagin

Wafdigan oo uu ka mid ahaa C/qaadir Ugaas Dhaqane, ayaa isguna hadallo isugu jiray habmbalyayn ka soo jeediyay, sidoo kale guddoomiya gobolka Galgaduud Yuusuf Xasan Ciyo ayaa isagua ku baaqay in halkan loogu yeero labada dhinac ee xubnaha dowladda ee dhinaca fekerka ku kala qeybsan halkan lagu xalliyo khilaafaadkooda.

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas C/raxmaan

Dhanka kale galabta ayaa shir weyn ee oo lagu qabtay xarunta shirkadda ee Beder ayaa halkaas waxa laa soo jeediyay baaq ku aaddan labada beelood oo ku saabsan in ay si deg deg ah u joojiyaan xabbada si shuruud la’aan ah, oo ay aadaan ergada beelahaas uga soo qeyb gashay shirkan ayagana ay howshaas mas’uul ka yihiin, kaddibna ku wada hadlaan isu soo hor fariistaan labad dhinacba bisha soo socota labaatankeeda halkan Guriceelna ay u taallo gogoshii sida uu sheegay Cabdi Daahir Ugaas Nuur.

Dhinaca dhaqanka waxa baaqan soo jeediyay Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble baaq ku aaddan joojinta colaadan dadka walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Mudug, dhanka Dowladdana waxa isla baaqaas soo jeediyay C/Qaadir Ugaas Dhaqane.

Ugu dambeytii waxa halkaas ka duceeyay Ugaaska Xasan Ugaas Max’ed Ugaas Nuur, oo ah Ugaaaskii 11aad ayaa waxa uu sheegay inuu yahay asagu dambar, dambarkuna leeyahay Duco iyo Habaarna uu leeyahay dambarku, waxana uu Ugaasku Ilaahay ka baryay in Ilaahay uu ku karaameeyo kuna sharfo dadaalka loo galayo joojinta colaaddan. Waxa uu Ilaahay ka baryay in ay manta noqoto maalin Ijaabo ah, taariikhdana gasha lagana sheekeysto haddii alle idmo. Ducadaas ayaa lagu soo gabagebeeyay, guud ahaan shirka, laguna sagootiyay qaar badan oo ka mid ahaa ergooyinkii ka soo qeyb galay shirkan.

Aadan Xasan Bashiir
Hiiraan Online, Guriceel
[email protected]






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online