Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News





Waxaa soo diyaariyey: Siciid Cali Axmed
Ramadaan: Fursad Qaaliya Oo Mudan In Laga Faa'ideysto

Marka hore dhamaantiinba RAMADAAN KARIIM .

Walaalayaal, Ramadaantu waa fursad qaaliya oo ay adagtahay sida lagu helaa. Waa fursad uu Ilaahay adoomihiisa siiyo sanadkiiba mar, si intoodii shaydaan duufsaday ay ugu soo laabtaan dariiqiisa, intoodii toosnaydana ay khayrka u sii kordhistaan. Ramadaan waa fursad albaabada NAARTA la xidho, kuwa JANADANA la furo. Ramadaan waa fursada shayaadiinta waawayn la xidh xidho si aanay fursadan u seejin dadka khayrka doonaya. Waa bil ay ku jirto habayn ka khayrbadan 80 sano (kun bilood). Hadaan soo koobno waa fursad hadii uu qofku ka faa'idaysto uu noloshiisa ku samayn karo is badal aduun iyo mid aakhiraba. Sidaa darteed walaalayal fursadan ha laga faa'idaysto. Habab badan badan oo fursadan looga faaidaysan karo ayaa jira, hoos waxaan idiinku soo koobi qaar ka mida hababkaas.

Ilaahay U Noqo.

Walaal, bani'aadmigu waa kii markastaba qaldama. Ilaahay inagama rabo in aanaynu qaldamin laakiin wuxuu inaga doonayaa in markasta oo aynu qaldano aynu u soo noqono. Toobada qofku waxa ay ka mid tahay waxyaabaha Alle farax galiya. Hadaba walaalayaal, inaga oo Ramadaan ka faa'idaysanayan aynu Ilaahay u soo noqono. Toobadu walaalayaal ma aha eray afka uun laga yidhaa « Waan toobad keenay ». Toobadu walaal, waa ka tagid dhaqan xun oo aad leedahay. Sidaa daraadeed qofkii aan SALAADA tukan jirin ha bilaabo in uu SALAADA tukado. Qofkii XAARAAN faraha kula jiray faraha ha kala baxo xaaraanta. Qofkii khamri, daraago, sino iwm faraha kula jiray ha ka toobad keeno macaasidaa . Labadii khilaaf dhex yaalay ha is cafiyaan. Qofkii been lagu ibtileeyay beenta ha iska daayo. Walaal, toobadu dhabta ahi waxa ay isbadal wanaagsan ku samaysaa qofka toobad keenaya ee aynu toobad sax ah oo nafteena wax ka badasha toobad keeno. Walaal, hadaad maanta oo Ramadaana oo shayaadiintu xidh xidhan yihiin aad soo laaban waydo waa goorma goorta aad Ilaahii ku abuuray u soo noqonaysaa? Jawaabta su'aashan walaal adaan kaaga tagayaa.!

Badsado Akhrinta Iyo Fahanka Quraanka

Quraanka waxa uu Ilaahay soo dajiyay habayn barakaysan oo ka mida habaynada bisha Ramadaanta. Sida ku suggan kitaabka Bukhaariga Nabigeenu (csw) habayn kasta oo habaynada Ramadaanta ka mida waxa uu la kulmi jiray Malakul-Jibriil si uu u baro Quraanka. Walaal aynu ku dayano sunadan Nabigeena (csw) iyo Malakul Jibriil, maalin kasta oo tagtana aynu noqono kuwii wax ka barata Kitaabka Ilaahay. Walaalayaal, Kitaabka Quraanka ah waxa uu Alle u soo dajiyay in lagu dhaqmo. Qofku hadii aanu garanayn Quraankana waxaa ku adkaanaysa in uu ku dhaqmo waxaanu fahansanayn. Sidaa daraadeed fursadan khayrka badan ee Ramadaan ha inoo noqoto fursad aynu ku bilowno sidii aynu u baran lahayn Kitaabka Alle. Keenii aan maanta akhrin karin Quraanku ha go'aansado barashadiisa, iminkana ha badsado dhagaysigiisa. Kii garanayay akhriskiisuna ha ku daro barashada macnihiisa iyo asraartiisa. Walaal, cajaladihii akhriska iyo tafsiirka Quraankaba waxa aad ka helaysaa meel kasta iyagoo bilaash ah ee ku dadaal in aad barato Kitaabka Alle. Ramadaan walaal ha inoo noqoto mid ingu soo celisa xidhiidhkii aan la yeelan lahayd Kitaabka Alle.

Taakulee Dadka Baahan

Ramadaantu waxa ay qofka sooman xusuusisaa baahida qofka aan waxba haysan. Marka adigoo sooman aad gaajooto xusuuso in ay jiraan dad Muslimiina oo iyagu sanadkii oo dhan gaajoonaya. Walaal ogoow in ay jiraan dad Muslimiina oo sida aad u soomantahay u sooman laakiin aan haysan wax ay ku afuraan. Sidaa daraadeed walaal caawi bishan dadka Masaakiinta ah. Sadaqadu yaraan iyo badnaan ma kala laha ee wixii aad bixin karto ku caawi Muslimiinta kale. Waxa dhaba in $1 aad sadaqad u baxsataa uu yahay $ ka kaliya ee aakhiro ku anfaci doona. Sidaa darteed dadka baahan ee gaajoonaya ha la xusuusto bishan wixii la siin karana yaan lagala bakhaylin.

Khayrka oo dhan Badso

Taraawiixda oo aad tukato, afkaaga oo aad barto hadalka fiican, meelaha wanaaga lagu hayo oo aad ku dadaasho tagitaankooda, dhegaysiga iyo daawashada waxa aan wanaagsanayn oo aad ka dheeraato, qalbigaaga oo aad xasadka iyo nacaybka ka nadiifiso ayaa ka mida waxyaabaha wanaagsan ee aad samayn karto maalmaha bishan barakaysani ka koobantahay. Sidaa daraadeed walaalayaal bishan ha laga faa'idaysano.

Walaal Gabagabdii, Ramadaantu waa Iskuul aad tababar ku qaadanayso ee waqtiga tababarkaasi kuu socdo ka faa'idayso. Hadii aad tababar qaadato oo marka tababarku kuu dhamaadona aad aragto adiga oo aan waxba ka faa'idin tababarkaa, tababarkaagu runtii waa mid lagu khasaaray. Ramadaan yaanay noqon tababarkaa lagu khasaaray!

Ilaahay Ha Inaga Aqbalo Acmaasheena Oo Dhan

Mahadsanidin

Siciid Cali Axmed
[email protected]

 











arguments in a landmark case that involves a citizen of Somalia . The case is Keyse G. Jama , Petitioner, v. Immigration and Naturalization Service . (By Abdul Wahid Sheikh Osman)
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online
 

Waqtiga Salaadda

SISAWA
The Right Way to Pray
Somali Sunah
Listen & Read Quran

Benadir_Islam
AFLAX.NET
ISLAM TOMORROW
Iimaam Shaafici
Boqolsoon

Khalid Bin Walid

La Soco Tafsiirka
Ottawa Muslims
Maktabatu Al-Hudda
Islamic City
MSA
IVIEWS.COM
Learn about Islam