Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  


page counter
 

 

Loolanka Siyaasadeed ee dowladda iyo Duqa magaalada Muqdisho  

A R A G T I D A
HIIRAAN ONLINE
Tuesday, August 12, 2008

 


Xilka qaadista ama magacaabista Duqa magaalada Muqdisho  Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) oo ay isku hayaan madaxdii ugu sareysay dowladda iyo golohoodii wasiiradda  oo laga sugayey nabadeynta iyo horumarka Soomaaliyeed ayaa ah arrin aad loola yaabo.

Haddii ay magaalada Muqdisho oo ah caasimadda qaranka Soomaaliya ay muhimad gaar ah leedahay, waxay ahayd in ay dastuurka ku caddahay sida loo magacaabayo ama xilka looga qaadayo.  Haddii markaas oo madmadow soo galo fasiraadda dastuurka, waxaa ahayd in loo gudbiyo maxkamadda dastuuriga ah taaso oo xalisa isqabqabsiga xubnaha dowladda. Waxaase dhibaatada heerkaan gaarsiiyey ayada oo aysan jirin maxkamad dastuuri ah oo waddanka u dhisan.

Mar haddii Maxkamad Dastuuri aysan jirin, waxay u muuqataa in howshaan aysan huridoonin in la horgeeyo golaha Baarlmaanka kuwaas oo nasiib darro sida horayba looga bartay codkooda la kala iibsada.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaa iyo dhalashadeediiba la kacaalaa kufeysay  iska horimmaad dhexdeeda ah ayaa arrinta  xil ka qaadista Maxamed Dheere waxay noqotay mid sii horisa, waxayse dhibaatadaan kuwii hore kaga duwanaan kartaa ayada  oo beesha caalamka la moodo in ay xiiso gaar ah u hayso  arrimaha dowladda federaalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliyeed ayaa horay ugu guuleystay loolan awoodeed (Power struggle) oo horay u dhexmaray isaga iyo madax sare ee dowladda oo ay ka mid ahaayeen (Guddoomiyhii hore ee Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaarihii  hore, guddoomiyihii maxkamadda sare).

Wuxuuse hadal ka joogaa, wax uu ku dambeyndoono loolanka awoodeed ee u dhexeeya Cabdullahi Yusuf iyo Nuur Cadde, ayada oo ay soo ifbaxday kala qaybsanaan xool leh ee u dhexeysa golaha wasiirada iyo xubnaha baarlmaanka.

Maxamed Dheere oo in muddo ah ka dhex-mooqday siyaasadda Soomaaliya ayaa xil ka qaadistiisa waxay dadbane u arkaan in ay bilow  u tahay qorshe dheer ee uu Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde ku hiigsanayo nabadeynta magaalada Muqdishu taas oo Ra’iisul Wasaaruhu isleeyahy wuxuu gogol xaar u noqon karaa arrimaha dib u heshiinsiinta.

Sii haynta Maxamed Dheere ee xilka Duqa magaalada muqdisho iyo haddii uu ka daba tagayo madaxdii horay xilka looga qaaday waxaad moodaa in aysan ku xirneyn Soomaalida balse ay u taalo Beesha Caalamka gaar ahaan dowladda Itoobiya oo ciidan xoog leh ka joogo dalka Soomaaliya.

Ugu dambeystii, loolankan awooda lagu dagaalamayo ayaa wuxuu ku soo koobmay magaalada Muqdishu ayda uu xurguftaas uu udub-dhexaad u yahay Maxamed Dheere, beesha caalamkana laga sugaayo go’aankeed.

Dadweynaha reer Muqdishu oo sida dastuurka qorayo ay ahayd in ay soo doortaan duqa magaalada Muqdishu ayaad nasiib darro waxaad moodaa in ay korjooto ka yihiin waxa laysku hayaba.

Nala wadaag dareenkaaga iyo dowrkaaga: editorial@hiiraan.com



INTERNET CAFE CALLING CARDS SIM CARDS SCANNING COLOUR PRINTING PASSPORT PHOTOS PHOTOCOPYING DIGITAL PRINTING MONEY TRANSFER WESTERN UNION
MANCHESTER | MANCHESTER |  United Kingdom
Somali & Ethiopian Food
-Cunto macaan
-Nadaafad sare
-Shaqaale carbisan
-Qabo,Quraac iyo Casho
Toronto | Ontario |  Canada
Premium Listings powered by Somali411.com
13 comment(s)
More comments
 waa ka shakiyay dhex-dhexaadnimada HO ee beryhan dambe !! where are the opinions from Gen Jama M. Ghalib, we miss them , may b HO blocked him! who knows?? we don know what to do . everyone has his own checkpoint.
 Firimbi,

Yaa soo sheegay Hargaysa iyo Puntland aa Sharmata ka dilaacday,
maxaase ula jeeddaa G..s shisheeye!.

Ma dad is jeclaaday aad sheegaysaa mise shaqo kale oo lacag lagu
kala qaato.

haddii aad ka hadlayso shaqo lacag lagu kala qaato waa arin aad looga
naxo in wax laga qabtona ay tahay.

Hadaad ka hadlayso naago shisheeye guursadayna ,taas waa wax Tabiici eh.
 Firimbi,

Sheekada way na la tagatay!. Intee ku aragtay anigoo leh Itoobiyaan waa
walaalaheen iyo ha i qabsadaan!.  Waad wareertay.

Tan kale waa runtaa Isticmaar Caddaan ma gaaraan laakiin ka waran dadkay
Isticmaarsadeen. Maxaa lagu tilmaami karaa.

Xaawo Taako waa hooyaday habaryarteed hadday kaaga macdahay.Saaxiibteed Mujaahidda
Timiro Cukaashna ha ilaabin gaalshiraha ku dhashay.

P.S, Tuunjigoodana maxaa ku baray, Akhasee!.
 waan ku ogaaday iyo maya ima aadan ogaan haddii aynu maanta
oo dhan ku jirno maxaad soo kordhaya weeye isla su'aasha
meesha taal?

xalka waa sida aan kuu sheegay, soomaaliya uma baahna
maskax shisheeye iyo hadaf shisheeye, ee waxay u baahan
tahay midka hadda socda ee amraya in cadowga xoog loo adeegsado
oo aan la baryin, waayo cadowgu waa mid madow oo
ka sii liita midka cad. cadowgu waa mid dhulkiisa iyo
dadkiisuba gaajo qabaan, waa cadow cudur qaba oo uraya,
waa cadow tuunjiga xaarka sariirta hoosteeda ku xareysta,
waa cadow aan firfircooni iyo hal-abuurka soomaali leedahay
lagu aqoon, waa cadow aan taariikh lahayn balse taariikhdiisu
tahay kaniisad ay xataa reer-galbeedkii ka gudbeen, waa
caodw aynu kumanaan jeer madaxa kaga istaagnay.

haddaba cadowga noocaas ahi baad leedahay WALAALO
BAYNU NAHAY. adiga ma itoobiyaan baad wax is-xigtaan
mise adiga ayaan isku filneyn oo aamisan in itoobiyaanku
kaa wanaagsan yihiin???

qof aad ku dayaneyso waa qof gaajo iyo AIDS barwaaqo sooran
ku ah, waa dad waligood abaar aan ka bixin, waa
dad kumanaan qowmiyadood iyo kumanaan dhaqan oo kala
duwan wada xambaarsan, maxay kugu soo kordhin karaan???

hooyada fiican waa hooyo ku dayata XAAWO TAAKO. waa hooyo
qaabkeedu yahay mid huwan wadaniyad iyo damiir adag, aniga
waxaan kuu tusaaleeyey hadal laga soo xigtay dadka aqoonta
u leh jiritaanka dal iyo dadkiis, waxaana la isku raacay
in jiritaanka dalka + qarankiisu ku xiran yihiin HOOYADA

haddii hooyadu ka badbaado gus shisheeye waa dal
wanaagsan oo horumar gaadhi kara , haddii hooyadu noqoto
mid itoobiyaan u galmoota amaba guursata waa dal jiritaankiisu
halis weyn ku sugan yahay.

maanta soomaaliya ma'aha meel itoobiyaanku hooyo soomaaliyeed
ugu uur-qaadi karaan, marka laga reebo puntland gobolka
loogu yeero iyo meesha kale ee Somailand la baxday waayo
meelahaas waxaa laga aqbalay in hooyooyinka soomaaliyeed
ee halkaas dega laga dhileysto, waana siyaasadda cadde muuse
iyo riyaale kaahin ku bahdilayaan dadka ay sheegaan
in ay matalaan.

sidoo kale jibuuti oo iyaduna ah dhul-soomaaliyeed
waxaa ay ku jiraan mirqaan dhinaca shisheeye u dhambacaadsiga
waana mid bulsha jibuuti oo dhan (badankeed) saameyn ku sameysay.

laakiin haddii aan dalka intiisa kale eegno, ku arki meysid
meel shisheeye ku raaxeysanayo. waayo waxaa ay ka xigaan
taas xabad iyo dagaal.

hawiye wixii uu doono ha ahaado, balse waa dad soomaaliyeed
oo diiday shisheeye iyo cadow waana geesiyaal soomaaliyeed

sidoo kale ogaadeen, wixii uu doono ha ahaado ama taariikhda
wixii kale ee laga soo gaaray ha sheegto, balse iyaguna
waa dad jihaad ku jirey boqolaal sano ka hor

marka waxaa su'aal mudan maxaa laga dhaxlayaa
halganka ogaadeen, hawiye iyo mareexaan ay ka wadaan
qaybo badan oo soomaaliya ka tirsan???

walow la dhihi karo dhibaato ayey ku tahay soomaaliya
in kooxeysi siyaasadeed oo kala duwan qalalaaso ka wadaan
meelo badan oo ka mid ah muqdisho, baydhabo, hiiraan, \
kismaayo, dhulka soomaali galbeed, haddana dagaalkaas
socda faa'iidooyinka uu leeyahay waa in uu nasasho
u diido cadowga shisheeye gaar-ahaan kuwa hadda
dalka ku yimid sida fudud balse dhib weyni ka haysato
sidii ay uga bixi lahaayeen dhiiqadaas.

 Firimbi,

Waan ku fahmay,waxaan rajaynaa dadka kalana inay ku fahmaan.

Aad iyo aad aan ugu faraxsanahay inaad soo bandhigto aragtidaada
gaaban ee wasakhda ku dheehan si dadka u ogaado waxaad tahay iyo
FALISKA maskaxda kaa galay!.

Waxaan ku waydiiyay adiga ma ka badbaadday Bahalka aad sheegtay!!.



Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2009 Hiiraan Online