Click here to sign your petition
2007 DV
 




Wararka Maanta - Axad - Nofember 27 2005










  Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo sheegay in 4 Markab oo si daran u hubeysan ay ku fasaxeen iribtirka Burcad Badeedda ka dilaacday Xeebaha Soomaaliya
·
  Ganacsade Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe oo qaadacay in ay xubno ku yeeshaan Golaha Deegaanka Maamul u sameynta Gobolka banaadir
· Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo la qorsheynayo in ay dhaqsi ugu kulmaan Magaalada Jowhar
· Guddoomiyaha Hay’adda sare ee Qaxootiga oo ka warbixiyay Xaalad naxdin leh oo uu ku soo arkay Soomaali hayaan ah












Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo sheegay in 4 Markab oo si daran u hubeysan ay ku fasaxeen iribtirka Burcad Badeedda ka dilaacday Xeebaha Soomaaliya

Axad, November 27, 2005(HOL): Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska ay Dowladda la gashay shirkad ilaalisa Badaha oo Mareykan ah laguna magacaabo Topcat Marine Security, isagoo sheegay in xiligan ay biyaha Soomaaliya ku sugan yihiin ilaa afar Markab oo si daran u hubeysan, kuwaasi oo weliba isticmaalaya diyaarado, si ay u tir tiraan Burcad Badeedka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in si naxariis darro ah loo baabi’in doono burcad Badeeda ka dilaacday Soomaaliya, isla markaana ay shirkaddaas sameysan doonto shan xarumood oo ay ka howlgeli doonto, isagoo ugu baaqay dadka ka dambeeyay wiilasha isbaaradda Badda dhigtay in ay isaga baxaan meelaha ay joogaan.

Dhinaca kalena, Mr. Peter Casini oo u waramayay dhinaca Shirkadda Topcat ayaa xaqiijiyay in ay si dhaqsi ah u ciribtiri doonaan Burcad Badeeda, isagoo xusay in ay ka bilaabi doonaan Markab uu sheegay in laga soo dejiyo Burcad Badeeda iyo Doonyaha dheereeya ee ay adeegsadaan, kaasi oo lagu magacaabo Mother Ship.

Xasan Abshir waxaa uu waxba jiraan ku tilmaamay in markii horeba dhalinyarada hubeysan ee Badda galay ay ka dambeysay Dowladda federaalka Soomaaliyeed si ay kadib heshiis ula gasho shirkado ama Dowlado ka shaqeeya Ammaanka Badaha, kuwaasi oo heshiiska sugidda ammaanka Badda ka sokow fushan doona dano iyaga u gaar ah oo dhaqaale looga doonayo, wuxuuna Wasiirku sheegay in warkaas uu ka soo yeeray dad xaasidiin ah, "Soomaalida caado ayay u leedahay in la xasdo qofkii wanaag ama wax fiican sameeya, warkaasina wuxuu ka soo yeeray kuwo caadadaas leh, waayo annagu haddii aan niri Baddeena aan ilaashanno ma wax qaldan ayaan sameynay"ayuuna yiri Xasan Abshir.

Inta ay ilaalin doonaan Maraakiibtan ayuu Xasan Abshir shaaca ka qaaday, wuxuuna caddeeyay in ay dhan tahay ilaa 200km oo dhinaca xeebaha soo xigat, halkaasi oo wixii soo gala ay la dagaalami doonaan iyaga oo Doomo dheereeya iyo weliba Diyaarado Helocopters ah ku howlgeli doona.

Dhanka kalena, Xildhiibaano uu ka mid yahay Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor ayaa ka soo horjeestay heshiiskaas, wuxuuna ku tilmaamay mid sharci darro ah, "waxaa loo baahan yahay haddii heshiis ceynkan oo kale ah la gelayo in Golaha Wasiirrada la geeyo, kadibna Golaha Baarlamaanka ee ma ahayn in la iska isaga boodo"ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor.

Shirkaddan oo uu heshiiskeeda ku dhamaanayo muddo labo sanadood ah ayaa la sheegay in ay bixin doonto lacag gaareysa 50 Milyan oo Doollar, iyadoo la filayo in ilaalinta Burcad Badeeda ka sokow ay ka kallumeysan doonto biyaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Tirada Dadka qaba HIV/AIDS oo la xaqiijiyay in ay Muqdisho aad ugu sii kordhayaan

Axad, November 27, 2005(HOL): Tirada dadka qaba cudurka HIV/AIDS-ka ayaa la xaqiijiyay in ay si xowli ah ugu sii kordhayaan magaalada Muqdisho, sida uu shaaca ka qaaday Sheybaariiste sare Nuur Cadde oo ka howlgala Xarunta Caafimaadka ee Cumar Bin Khadaab ee ku taala Magaalada Muqdisho.

Sheybaariistahaan ayaa sheegay in tirada sanadkan ay la kulmeen ay aad uga badan tahay tiradii ay ka heleen cudurkaas sanadkii hore, isagoo sheegay in qiyaasta ay hayaan ay tahay 10% dadka ay ka heleen Virus-ka cudurkaas, wuxuuna sheegay in ay isugu jiraan kuwo ay dhaqaatiirta ka howlgasha xaruntaas baaris ugu direen shaki ay ka qabeen dartiis iyo kuwo iskood u yimid xaruntooda in ay is-baaraan, kuwaasoo ay ku jiraan lamaanayaal doonayay in ay aqal galaan kuwaasoo uu xusay in qaar ka mid ah laga helay.

"Annagu marka aan baareyno dadka waxaan tusnaa sida looga helayo Virus-ka Inaga oo Sheybaarka ku dhex heyno, matalan qofka waxaan u ishaarnaa halka uu dhiigiisa la baarayo gaarayo marka uu HIV qabo iyo meesha kale ee uu gaarayo marka uusan qabin, waxaana sidaas u yeelnay annaga oo diidan in aan qofkii u sheegno natiijo uu shaki ka qabo, hadda tii noogu dambeysay waxaan ku sameynay gabar iyo wiil doonayay in ay is-guursadaan kuwaasi oo is-hubin caafimaad inoogu yimid, waxay indhahooda ku arkayeen qaabka baarista oo aan u sharaxnay, natiijadiina waxay noqotay in gabadhii laga helay, wiilkiina laga waayay"ayuu yiri Sheybaare Sare Nuur Cadde oo intaas ku sii daray in wiilkii uu gabadhii meeshii ay fadhiday uga dhaqaaqay iyadiina naxdin darteed ay halkii ay ka kici weysay.

Nuur Cadde waxaa uu sheegay in dadka laga helay Virus-kaas badankood ay ka yimaadeen labo xaafadood oo Muqdisho ku yaala, kuwaasi oo sida loo sheegay ay ku badan yihiin dad cudurkii qaba oo intey Shabakado isku xira sameysteen ku heshiiyay in ay si xaasidnimo ah dad kale oo fiyow ugu sii gudbiyaan, "Dhalinyaradaas waa dhalinyaro koox koox isugu xiran, waxay sameeyaan xaflado ay dad kale oo aan cudurkii qabin ku casuumaan si ay cudurka ugu sii gudbiyaan, dabcan arrintaasna waa mid aad u naxtin badan" ayuu mar kale yiri Nuur Cadde.

Waa arrin aad looga naxo, isla markaana mudan in taxadar gaar ah loo lahaado, waayo dadkii waa isku mid, Magaalo kaliya ayaa lagu wada nool yahay, mana jirto cid xakameyneysa dadka qaban cudurkan halista ah, hayeeshee talada ugu sahlan ee ay bixiyeen Khubarrada dhinaca Caafimaadka, gaar ahaan mar ay ka digayeen khatarta Cudurkan waa in qofkii xaas leh uu xaaskiisa ku ekaado, isla markaana uu ka fogaado in uu gogol dhaaf sameeyo, sidoo kalena uusan isku shubin haddii uu u baahdo dhiig laga shubay qof aanan caafimaadkeeda la hubin.

Soomaaliya oo muddo 15 sano ah dowlad la’aan ahayd waxaa sharci darrada iyo fowdada ka jirta u sii wehliya soo gelitaanka dad Virus-ka HIV qaba oo ku soo talaalmay dalalka Soomaaliya la deriska ah sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, kuwaasi oo la sheego in dadka qaba Cudurka Aids-ka ay aad ugu badan yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ganacsade Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe oo qaadacay in ay xubno ku yeeshaan Golaha Deegaanka Maamul u sameynta Gobolka banaadir

Axad, November 27, 2005(HOL): Ganacsade Bashiir Raage iyo C/qaadir Cabdi Xasan (Beebe) oo gacanta ku haya qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa la soo weriyay in ay ku gacan seyreen xubno ku yeelashada Golaha Deegaanka ee Maamulka loo dhisayo Gobolka Banaadir.

Wararku waxay sheegayaan in ergo ka socota Wasiirka Ganacsiga Muuse Suudi Yalaxow ay la kulmeen labadaas mas’uul, waxayna warar aanu ku helnay dad ku dhow Bashiir iyo Beebe ay sheegayaan in ay ka cudurdaarteen in ay xubno ku yeeshaan maamulka dhismahiisa ka yimid guddi uu madax u ahaa Muuse Suudi, iyadoo ku gacan seyristoodana ay ku soo beegmeyso kadib kulan dib u heshiisiin ah oo Muuse Suudi, Bashiir Raage iyo C/qaadir Beebe dhawaan ku dhexmaray magaalada Muqdisho.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Muuse Suudi uu aad uga carooday jawaabta ka soo yeertay labadaasi Mas’uul, iyadoo ay jireen warar kale oo sheegayay in Xildhibaanada Beesha Mudullood ay seddex xubnood mooyee inta kale qaadacday sameynta maamulkaas, iyadoo mid ka mid ah uu ku tilmaamay arintaas mid fowdo ah, wuxuuna sheegay in uu maamul u dhisan yahay gobolka Banaadir, isla markaana aan loo baahneyn mid fidno lagu abuurayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo la qorsheynayo in ay dhaqsi ugu kulmaan Magaalada Jowhar

Axad, November 27, 2005(HOL): Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in todobaadkan la filayo in ay halkaasi kulan ku yeeshaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD, kaasi oo uu kulankooda baaqday horaantii bishan.

Wararku waxay sheegayaan in ay socdaan dhaqdhaqaaqyo loogu diyaargaroobayo soo dhaweynta Wasiiradaas, walow aan la ogeyn in ay ka soo wada qeybgeli doonaan iyo in kale, sida uu HOL u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaana qaban qaabada howshan haatan magaalada Jowhar u jooga Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil, iyadoo wararka qaarkoodna sheegayaan in la sugayo magacaabista Madaxweynaha Kenya ee golahiisa Wasiirrada bacdamaa uu dhawaan Xukuumaddiisii kala diray kadib markii looga adkaaday u codeyntii Dastuurka Kenya.

Wararku waxay intaas ku darayaan in kulankaas la qaban doono 29-ka bishan, inkastoo warkaasi uusan rasmi ahaan uga soo bixin Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda oo isagu haatan ah Shir guddoonka wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD, kaasi oo 9-kii bishan baajiyay kulan ay Wasiirrada IGAD Jowhar ku yeelan lahaayeen.

Dhanka kalena Xubnaha labada gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwooda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhowr jeer waxay ku cel celiyeen baaqyo ay u dirayaan Urur goboleedyada ay Soomaaliya ka mid tahay, iyagoo codsanayay in aysan Ururadaas noqon kuwo la kala safta labada dhinac ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed u kala jabtay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Guddoomiyaha Hay’adda sare ee Qaxootiga oo ka warbixiyay Xaalad naxdin leh oo uu ku soo arkay Soomaali hayaan ah

Axad, November 27, 2005(HOL): Guddoomiyaha Hay’adda Sare ee Qaxootiga Soomaaliyeed Prof. C/llaahi Axmed Qudde ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamka in gurmad lala gaaro dadka soo barakacay ee dhawaantan uu dabku ku qabsaday xero ay ka deganaayeen oo ku taala magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu aad uga murugooday xaaladda la soo gudboonaatay dadkaas soo barakacay.

Prof. Qudde ayaa mar wax laga weydiiyay sababta uu ula soo daahay baaqan ayaa sheegay in safar dalka uga maqnaa, isla markii uu ku soo laabtayna uu horayba ka dirayo baaqan, sidaas darteed ayuuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, gaar ahaana ganacsatada in ay dadkaas gurmad u fidiyaan.

Dhinaca kalena Prof. Qudde oo dhawaan ka soo laabtay shir ka dhacay dalka Burundi ayaa sheegay in uu la soo kulmay Soomaali hayaan ah oo ku sii jeeda dalal ay dadkoodu aad isu leynayaan, wuxuuna sheegay in markii uu la hadlay dadkaas oo ku socday galbeedka Afrika, ayaa sheegay in jawaabta kaliya ee uu kala kulmay ay ahayd in halka ay ku socdaan ay ka xigto Soomaaliya iyo in kale "Haddii aysan Soomaaliya naga xigin wax dhibaato ah ma jiraan waana aadi karnaa" ayay iigu warceliyeen ayuu Prof. Qudde sheegay in ay dadkaasi ugu warceliyeen, isagoo hadalkoodaasna uu uga baxay sawir ah in ay Soomaaliya dhibaatada taalo ka cararayeen.

Hay’adda Sare ee Qaxootiga ayaa ah Hay’ad u dooda dadka Qaxootiga ah iyo kuwa soo barakacay ee ku sugan Dalka Soomaaliya, iyadoo xiriiro la leh Hay’addo iyo Ururo kale oo howsheeda oo kale haya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 



Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online