2007 DV




Wararka Maanta - Jimco - Nofember 25, 2005










·
· Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer oo Deeq Raashin ah gaarsiisay Dad soo barakacay oo xero ay daganaayeen laga gubay
· Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho oo dib u bilaabay Howlgalladii Shineemooyinka lagu xirayay
· Shirkad Ameerikaan ah oo la dagaalami doonta Maleeshiyooyinka Maraakiibta ku af-duubta Xeebaha Soomaaliya
· Agaasimaha Isbitaalka Madiina oo beeniyay in Dawada loogu deeqo Isbitaalkaas la iibsado












Xulka Qaranka Soomaaliya oo maanta Nairobi ka amba baxay iyadoo berrina uu Kigali ka furmayo Tartanka uu ka qeybgelayo

Jimco, November 25, 2005(HOL): Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in uu magaalada Kigali ee dalka Rwanda uu ka furmo tartanka dalalka Bariga iyo Bartamaha Afrika, kuwaasi oo ka kala imaanaya oo 11 dal oo Qaaradda Afrika ku yaala, iyadoo ciyaarta furitaankana ay ka dhici doonto garoonka Amahoro.
 

Dalalka Zanzibar, Rwanda, Eritrea, Ethiopia, Uganda, Djibouti, Somalia, Burundi, Sudan iyo Tanzania ayaa tartankan ka qeybgelaya, iyadoo loo kala qeybgelayay laba Group oo kala ah:

Group A Brundi Zanzibar Rwanda Tanzania Eritrea
Group B Ethiopia Uganda Djibouti Sudan Somalia
Waxaa Cayaarahaan ka baaqday kooxda waddanka Kenya

Maalinta Axadda ah ayaa la filayaa in ay xulalka Soomaaliya iyo Jabuuti wada ciyaaraan, iyadoo ciyaartoyda Soomaaliyeedna ay maanta ka amba baxeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo ay joogeen ilaa xalay.
 
Sanadkan ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya waxaa ka mid ah 6 ciyaaryahan oo laga keenay dalalka Ingiriiska iyo Holland, kuwaasi oo la rajeynayo in ay wax weyn ka bedelaan qaab ciyaareedka Xulka Soomaaliyeed oo mar walba laga soo guuleysan jiray marka uu Dibadaha ciyaaro u tago.
 
Kabtanka Xulka Qaranka Soomaaliya Gaduudow ayaa sheegay in rajo wanaagsan ka qabaan guul ay ka soo hooyaan tartankan, isagoo taasina sabab uga dhigay in inta badan dalalka tartanka ka qeybgelaya ay yihiin kuwo Soomaaliya aan ka awood badneyn, marka la eego Jabuuti oo ay xulka Soomaaliyeed isku jir dhismeed yihiin iyo dalalka Itoobiya iyo Zenzibar oo Xulka Soomaaliyeed horay uga badiyay mar ay iska horyimaadeen.
 
Haddaba, waxaanu eegeynaa waxa ka rumooba hadalka Kabtanka Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed iyo weliba waxa ay soo kordhiyaan ciyaartoyda Dibadaha ka yimid ee loo keenay in ay Xulka Soomaaliyeed qaab ciyaareedkiisa wax ka bedelaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer oo Deeq Raashin ah gaarsiisay Dad soo barakacay oo xero ay daganaayeen laga gubay

Jimco, November 25, 2005(HOL): Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer oo ka mid ah shirkadaha safka hore uga jira Xawaaladaha Soomaalida ayaa maanta waxay raashin deeq ah gaarsiisay dad soo baracay oo xero ay deganaayeen dhawaan laga gubay.
 
Ilaa 70 Bacood oo ay ku jirto bacdiiba 2 kiilo sokor ah, 2 kiilo bariis ah iyo 2 kiilo bur ah ayay shirkaddu gaarsiisay  dadkii musiibada ku dhacday ee xeradaas degaa, iyadoo qoysaska ku nool xeradaasna si isku mid ah loo gaarsiiyay raashinkaas.
 
Maareeyaha Shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer C/qaadir Guure Cusmaan ayaa deeqdaas gaarsiiyay xeradaas oo ku taala agagaarka Warshaddii Birta ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu ka guddoomay Baashi Maxamed Baarre oo ah Guddoomiya Degmada Dayniile, isla markaana ka mid ah guddi loo saaray uruurin deeqaha dadkaas lagu saacido.
 
Faarax Shidane Maxamed (Faarax Yare) oo ah Agaasimaha shirkadda Xawaaladda Global Money Transfer ayaa sheegay in deeqda ay bixisay shirkaddooda aysan ahayn tii ugu horeysay tii ugu dambeysay ee ay bixiyaan, wuxuuna caddeeyay in ay ku dadaali doonaan sidii dadkaasi loo sii caawin lahaa, isagoo si gaar ahna u xusay in ay kaalmo dhaqaale u weydiin doonaan macaamiishooda meel kasta oo ay Adduunka ka joogaan.
 
Qoysaskii deganaa Xeradan oo lagu sheegay in ay dhan yihiin 40 qoys ayaa nasiib u helay in ay isla xeradii ay deganaayeen ay dib uga dhistaan guryo ay ku noolaadaan, waxaana taasi u suurtageliyay dadka Muqdisho, haddii ay ahaan lahaayeen ganacsato iyo dad caadi ahba. Saakay ayaa ugu dambeysay waxaa dadkaasi la guddoonsiiyay lacag dhan 200,000 Sh. So Qoyskiiba, iyadoo ka horayna loogu qeybiyay Baco ay Roobka ka galaan iyo weliba alaabo maancuun ah oo ay wax ku karsadaan.
 
Dadkan oo ah kuwo ka soo barakacay gobollada dalka Soomaaliya qaarkood ayaa marka laga soo tago wax la’aanta iyo nolol xumida heysata waxay ka cabanayaan xaalad caafimaad darro oo la soo gudboonaatay, iyadoo caruurta badankood ay qabaan xanuuno ay ka mid yihiin Shuban Biyoodka iyo Burukiitada.
 
Bartamihii todobaadkan ayay ahayd markii xeradaas uu qori dab leh oo holcaya ku tuuray wiil dhalinyaro ah, kaasi oo sida la sheegay u muuqday mid la soo adeegsaday, waxaana dabkii xeradaas ka kacay uu sababay in ay geeriyoodaan afar ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Oday da’ ah oo Indhaha aan waxba ka arki karin.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa muuqata in dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba ay wax isu qaban karaan haddi ay is-kaalmeystaan, gaar ahaan marka masiibo sidan oo kale ah ay dhacdo, waxaana taasi marag muujin yar kaaga filan sida dhulka looga qaaday dadkii ku noolaa xeradan, kuwaasi oo kadib markii loo gurmaday helay nolol iyo guryo ka wanaagsan kuwiii ay markii hore heysteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Midowga Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho oo dib u bilaabay Howlgalladii Shineemooyinka lagu xirayay

Jimco, November 25, 2005(HOL): Ciidamada Midowga Maxkamadda Islaamiga ah ee Muqdisho oo watay gaadiidka dagaalka oo ay saaran yihiin ciidamo aad u tiro badan ayaa saakay waxay ka howlgaleen xaafado ku yaala degmada Kaaraan, gaar ahaana nawaaxiga Hotel Lafweyn iyo Jamhuuriye, iyadoo halkaasina ay ciidamadu albaabada ugu laabeen seddex shineemo oo qalabkii yaalayna ay ka qaateen.
 
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho Shiikh Shariif Shiikh Axmed howlgalkaas ma jirin cid wax ku noqotay, iyadoo uu qeyb ka yahay howlgallo ay Ciidamada Maxkamadaha Muqdisho wadeen ku dhawaad labo bilood.
 
Shineemooyin ku yaala agagaarka Saldhigga Yaaqshiid ayaa mar ay damceen Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho waxaa qabsaday dagaal xooggan oo ay dad toban ruux ka badan ku dhinteen, iyadoo dagaalkaasi oo markiisii  hore ka bilowday Maxkamadaha Islaamiga iyo Shineemooleyda uu isu bedelay labo garab oo ganacsato ah oo u soo kala hiiliyay labada dhinac ee dagaalku ka bilowday.
 
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in howlgallada ay sii wadi doonaan iyagoo aaney jirin cid ay uga heybeysanayaan howsha ay bulshada u hayaan, wuxuuna caddeeyay in ay maalmahaan u hakadeen dagaalkii ay Maxakamaduhu galeen, kaasi oo xalintiisa lagu jiray.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, howlgallada ay Muqdisho ka sameynayaan Ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho ayaa ah kuwo ay inta badan dadka Muqdisho soo dhaweynayaan, kuwaasi oo qaati ka jooga dhibaatooyin ay ku hayaan Shineemooyinka oo duufsada Dhallaan badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo aad arkeyso iyagoo Uniform-kii School-ka qaba misana Shineemo sii gelaya ama ka soo baxaya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Shirkad Ameerikaan ah oo la dagaalami doonta Maleeshiyooyinka Maraakiibta ku af-duubta Xeebaha Soomaaliya

Jimco, November 25, 2005(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ayaa labo sano oo qandaraas ah waxay la saxiixatay Shirkad Mareykanka laga leeyahay oo qaabilsan dhinaca ammaanka Badaha, taasi oo wax ka qaban doonta Burcad Badeedka Soomaaliyeed ee dhawaanahaan Isbaarada dhigtay Xeebaha Soomaaliya.

Xeebaha Soomaaliya ayaa tan iyo markii lagu af-duubtay Maraakiib badan oo qaarkood u kireysnaayeen Hay’adda WFP waxaa ay noqdeen kuwo ugu qatarsan Adduunyada oo laga cabsado ku safarkooda.

Shirkaddan oo fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Mareykanka , isla markaana lagu magacaabo Topcat Marine Security Inc ayaa la saxiixatay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed qandaraas labo sano socon doona, kaasi oo ku kacaya qiimo dhan 50 Milyan oo Doollarka Ameerikaanka ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cali Maxamed Geedi oo goob joog ka ahaa halkii lagu kala saxiixanayay Qandaraaska ayaa wuxuu sheegay in Dowladdiisu ay arkeyso dhaawacyada ay Burcadda Badaha u geysteen Xeebaha Soomaaliyeed, wuxuuna rajeeyay in ay Topcat ay soo af-jari doonto qatarta kooxahaas maleeshiyooyinka ah ee Badda Isbaarada dhigtay.

“Heshiiskan maanta aan kala saxiixanay wuxuu Xeebaha Soomaaliya ka difaaci doonaa Maleeshiyooyinka Maraakiibta ku af-duubta” ayuuna yiri Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in ay Dowladdiisu aad uga niyad xumeyd dhibaatada ka dilaacday Xeebaha Soomaaliya.

Madaxa horumarinta iyo Cilmi baarista Shirkadda Topcat Mr. Peter Casini ayaa sheegay in shirkaddiisu ay howl ka bilaabi doonto soo dhicinta Markab lagu magacaabo Mother Ship, kaasi oo ay Burcad Badeedku u isticmaalaan in ay Maraakiibta kale ku ceyrsadaan, kuna soo qabsadaan.

“Su’aal kama taagna taas, dhaqsi ayaan u soo af-jari doonnaa kooxaha Maraakiibta Af-duubta ee Xeebaha Soomaaliya ku jira”ayuuna yiri Mr. Peter Casini oo sheegay in Markab hubeysan oo shirkaddoodu leedahay uu joogo meel Xeebaha Soomaaliya u jirto 100 Mile, isla markaana uu ujeedkoodu yahay in ay soo helaan Markabka Mother Ship oo ay Burcad Badeedku heystaan.

Shirkaddan ayaa haddii ay ka howl bilowdo Xeebaha Soomaaliya waxaa laga reysan doonaa af-duubka ay Maleeshiyooyinka Soomaaliyeed kula kacaan Maraakiibta Ganacsi iyo kuwo Mucaawinooyinka wada, iyadoo Qandaraaska ay la saxiixatay Dowladda Soomaaliyeedna uu yahay mid ay soo dhaweynayaan Dadka Soomaaliyeed oo ka wel wel qabay sida ay xaaladdooda nololeed noqon doonto haddii ay sii socdaan Af-duubyada Maraakiibta iyo Doonyaha, gaar ahaan kuwa ganacsatada ay soo rartaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Agaasimaha Isbitaalka Madiina oo beeniyay in Dawada loogu deeqo Isbitaalkaas la iibsado

Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr. Shiikh-doon Salaad Cilm

Jimco, November 25, 2005(HOL): Agaasimaha Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho Dr. Shiikh-doon Salaad Cilmi ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray oo la soo gaarsiiyay Xafiiska HOL ee magaalada Mqudisho waxaa uu ku beeniyay war laga faafiyay Isbitaalka Madiina oo sheegayay in dawada Isbitaalka loogu deeqo lagu takri falo, Haddaba Warsaxaafadeedkaas oo uu ku saxiixnaa Agaasimaha waxaa uu u qornaa qaabkan:

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaan doonayaa inaan jawaab kooban ka bixiyo hadallo eedayn iyo ceebayn isugu jira oo maalmahaanba ay qorayeen qaar ka mid ah bogagga internet-ka af-soomaaliga ku qoran ( Somali websites) iyo jara'idka maxalliga ah. Wararkaasoo tibaaxayey in maamulka Isbitaal Madiina uu ku takrifalo daawada isbitaalka deeqda loo siiyo; iyadoo suuqa laga gorgoriyo laguna gado sida ay ku andacoodeen.

Waxaan dadweynaha soomaaliyeed u caddeynaynaa in hadalladaasi yihiin wax-kama-jiraan aan giddigood sal iyo raad lahayn. Daawada Isbitaal Madiina lama beecgeeyo, beecna ma aha, cid laga gadaana ma jirto. Bukaanka isbitaalka jiifa lagama iibiyo, bukaan- socod lagama iibiyo, ganacsatana warkoodaba daa. Ciddii xaqiiqadaas wax ka badalan haysa waxaa la rabaa inay caddeyn iyo marag muuqda oo lagu qanci karo soo bandhigto, qofkaan xishooneynna wuxuu rabo ayuu sheegi karaa !!

Haddaba waxaa isweydiin leh yaa fidiyey beentaan? Yaa ka dambeeyey? Sida aad bogagga internet-ka ama jara'idka ku aragteen waxaa warkani ka soo askumay nin isku magacaabay Xujaale Jaamac. Xujaaloow ayaad tahay? Idinku ma taqaanaan saxafi la yiraahdo Xujaale jaamac? Ma filayo inaad taqaanaan? Aniguse waa aqaan; magacaasnna waa ku gambadaaye kiisa dhabta ah ma aha. Waa magac fulaynimo. Haddaan idiin qeexo magacaas: Xujaale waa saxafi- ku –sheeg mooryaan ah qalin ku hubaysan oo isbaaro dhallah dhigtay bogagga internt-ka, una samaystay inuu ku caayo ciddii baad u diidda.

Waa Xujaale-yare  - magaca uu la baxay haddaan u daayo - wuxuu ku soo caanbaxay shirkii Mbagathi ee Kenya lagu qabtay oo uu  war been ah ka soo tebin jiray markii lagu bartay beentaasna ay saxaafaddu iska joojisay in warba laga qaato . Kadibna wuxuu samaystay website magaca ku habooni malaha uu ahaan lahaa: BEENTACUSUB.COM  ama BAADDACUSUB.COM. Waxaana kiraysan jiray ciddii doonaysa inay caydo qof siyaasad ay isaga horjeedaan. Iyadoo had iyo jeer loo dhiibo wararka laga xishoodo. Haddana wuxuu u dallacay inuu dadka ku baado.

Talefoon ayuu igu soo wacay Xujaale-Yare subaxnimadii sabtida 19/11/05 anigoo jooga qaybta bukaan-socod-eegta Isbitaal Madiina oo dad xanuunsan baaraya qaar badanna ii horan yihiin. Wuxuu igu yiri " Waxaan taaganahay xafiiskaaga hortiisa waxaanan rabaa inaan ku arko" Waxaan ugu jawaabay " walaal bukaan baan fiisitaynayaa, qaar badanna way i isugayaan, waa maalin Sabti ah oo shaqo badan , ballan horana ma aanaan lahayn, waan ka xumahay kuma qaabili karo " Hadalkaas kuma uusan qancin, waxuuna hadalkiisi ugu dambeeyey si caro ah iigu yiri "Isbitaalkaaga waan kaaga tegay, waana inoo tahay" Hadalkaas oo handadaad ay ka muuqatay.

Waxaa intaas iigu xigtay in Xujaale-yare uu website-ka uu tafatiraha ka yahay ku soo qoray maqaal uu cay iyo cambaareyn uu  ku samaynayo Isbitaal Madiina iyo maamulkiisa. Waxaan qiyaasayaa inuu  baad deg-deg ah iga rabay si kastaba ha ahaatee sumcadda isbitaal madina iyo maamulkiisa way ka culus tahay mid ay gilgili karto dacaayad raqiis ah oo uu curiyay wariye faashil ah. Waa isbitaal samafal bulsho oo u adeega dhamaan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Haddii uusan daawo fiican iyo adeeg hufan lahayna ma yimaadeen dadka uu isba sheegay inay Isbitaalka ku soo qulqulayaan xaqiiqdana bulshada ayaa ka markhaati ah.

Lama yaabin Xujaale-Yare iyo damaciisa waalan, wax kastaaba way ka suurtoobaan isaga iyo aynigiisa. Waxaanse la yaabay in website-yo kale iyo jara'id iska soo guuriyaan war daleecaynaya hay'ad iyo maamul bulshada  dhexdeeda magac ku leh, iyadoon la hubsan in warkaasi jiro iyo in kale; isla markaasna aan wax laga weydiin ciddii ay khuseysay; ama ugu yaraan aan la siin xaqa ay u leeyihiin inay ka jawaabaan eedaha loo soo jeediyey inta aysan warkaa shaacin.

Mudanayaal iyo Marwooyin,  

Waxaan idinka codsanayaa inaad jawaabtayda oo buuxda ku qortaan bogaggii dhaleecaynta xaq-darrada ah loogu  soo qoray Isbitaal Madiina iyo maamulkiisa .

Waad mahadsantihiin

Dr. Sheikhdon Salaad Cilmi

Agaasimaha Isbitaal Madiina

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


| Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online