3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Dowladda Soomaaliya oo waxbarasho siinaysa carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Alshabaab
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday barnaamij cusub oo ah xasilinta waxbarashada kaas oo looga gol leeyahay in lagu soo celiyo xaqa ay u leeyihiin waxbarashada carruurta ku nool degaanada laga xoreeyay Shabaab.

Barnaamijkan ayaa la sheegay inuu bixindoono jawi ammaan ah oo waxbarasho oo loogu talagalay carruurta ay saameeyeen afkaartii diimeed ee kooxda Alshabaab.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku yiri: “Waxbarashadu waa xuquuq asaasi ah oo ay leeyihiin dhammaan carruurta, iyadoo aan loo eegin meel ay ku nool yihiin.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’an tahay in dhammaan carruurta Soomaaliyeed ay helaan waxbarasho tayo leh.

Wuxuu sheegay barnaamijkan xasilinta ah inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo yoolkaas.

Barnaamijka xasilinta waxbarashada ayaa lagu sheegay inuu yahay hindisihii ugu dambeeyay ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta, kaasoo wax looga qabanayo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo sidii loo dhisi lahaa mustaqbal ifaya oo uu dalku yeesho.

Barnaamijkan oo ay Wasaaraddu ugu magacdartay “Barnaamijka bisha” ayaa la filayaa in uu wax weyn ka tari doono nolosha carruurta Soomaaliyeed.












Click here
1/30/2023 9:25 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa fartay hay’addaha gargaarka iyo kuwa horumarinta ee mashaariicda ka fulinaya gudaha Soomaaliya inay si buuxda ugu soo wada guuraan dalka laga bilaabo Maanta oo ay taariiqdu tahay 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023-ka, Iyadoo la tixgelinayo xaalada amni ee dalka oo soo hagaageysa kadib howlgalada guuleystay ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

1/30/2023 9:10 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Waxaa Maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay lagu soo gabagabeeyay wajiga koowaad ee shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo ay ka qeyb galeen xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka, maamulka Koonfur Galbeed, golaha Odoyaasha dhaqanka iyo Guddiga Farsamada shirka dib u heshiiniinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

1/30/2023 7:47 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Madaxweybaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu rajaynayo in wax wanaagsani kasoo boxo shirka Laascaanood uga socda waxgaradka gobolada Sool iyo qaybo kamid ah Sanaag iyo Cayn.

1/30/2023 5:30 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Fartuun Cabdirashiid Xuseen oo la sheegay inay tahay xaaska horjoogaha ugu sareeya kooxda Daacish ee Soomaaliya, Cabduqaadir Muumin.

1/30/2023 4:21 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay dhigiisa wasiirka gaashaandhiga dalka Jabuuti Xasan Cumar Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayay soo gaaray Muqdisho.

1/30/2023 2:50 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa warbaahinta uga digtay in ay faafiyaan warar, warbixino iyo ra'yi ururin keeni kara in xaalada Laascaanood kasii darto.

1/30/2023 1:18 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa saacadahii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan sameeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Mudug.

1/30/2023 12:20 AM EST
Isniin, January, 30, 2023 (HOL) - Wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku tilmaamay guul shacabka Soomaaliyeed usoo hoyatay, in kooxda Al-Shabaab ay dareemeen saamaynta ay ku yeelatay dagaalka dhaqaale ee dawladdu ku qaadday.