4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 30, 2023
Somaliland oo digniin u dirtay warbaahinta ka warramaysa arrimaha Laascaanood
 

Isniin, January, 30, 2023 (HOL) -  Xukuumada Somaliland ayaa warbaahinta uga digtay in ay faafiyaan warar, warbixino iyo ra'yi ururin keeni kara in xaalada Laascaanood kasii darto.

Warsaxafadeed kasoo baxday Wasaarada Warfaafinta Somaliland ayaa warbaahinta loogaga digay in ay faafiso warar ama warbixino keeni kara in xaalada magaalada Laascaanood ay kasii darto.

"Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Jamhuuriyada Somaliland, waxay uga digaysa dhamaan warbaahinta noocyadeeda kala duwan, iyo wariyayaasha ka howlgala gudaha Somaliland in ay baahiyaan warar, warbixino iyo ra'yi ururin dab kusii hurin karta xaalada ka taagan Laascaanood".

Warsaxaafadeeda ayaa lagu yidhi "Waxa waajib ku ah cidkasta oo ku dhaqan gayiga Somaliland in ay u hogaansamaan xeerarka dalka oo uu ugu horeeyo dastuurka JSL, kaasi oo waajibinaya adkaynta qaranimada iyo jiritaanka Somaliland".

Hoos ka dheeho warsaxaafadeeda oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]