Axad, July, 15, 2018 (HOL) - Madaxweynihii hore
ee Mareykanka Barack Obama ayaa tagay dalka Kenya, halkaasi oo ay kaga
bilaabatay booqasho labo maalin ah, waxaana Aqalka Madaxtooyada Kenya ku soo
dhaweeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Obama oo noqday Madaxweynihi 44-aad Mareynkanka
ayaa gelinkii dambe ee maanta Madaxweyne Uhuru Kenyatta ku soo dhaweeyay Aqalka
Madaxtooyada, wuxuuna uga mahad-celiyay booqashadiisa Wadanka Kenya.
Madaxweyne Kenyatta ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynihii
hore ee Mareykanka Obama yagleelida Hay’adda Obama “Obama Foundation”, oo awood
u siisa dhalinyarada iney noqdaan Wakiilada isbedelka Afrika.
Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in
dhalinyarada Afrika ay noqon karaan hantida ugu qiimaha badan Qaaradda haddii
ay tamar iyo karti fir fircooni la yimaadaan.
Inta joogo Kenya waxaa uu hirgelin doonaa
mashaariic wax tar u leh bulshada Kenya gaar ahaan dhalinyarada, wuxuuna dhisi
doonaa Mashruuca Sauti Kuu Foundation oo ka kooban xarun Isboorti iyo xarun
tababar iyo khibrad xirfadeed, taasi oo ay waddo walaashiisa, Dr Auma Obama oo
ku wehlineysay Madaxtooyada.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]