4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 15, 2018
Taliyihii dhawaan laga celiyay Kismaayo oo howlihiisa shaqo ka bilaabay gobolka Gedo


Axad, July, 15, 2018 (HOL)- Taliyaha qeybta 43aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cali Maxamed Maxamed Max’uud Bogmadoobe ayaa kormeer ku tagay xeryaha ciidamada xoogga dalka ee degmada Garbahaareey gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa hadal u jeediyay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed., isaga oo dhinaca kalana warbixinno ka dhageystay saraakiisha ciidamada.

Taliyaha Guutada 10-aad ee ciidanka xoogaa dalka General Maxamed Cali Cadoow oo warbixin kooban siiyay Taliye Bogmadow ayaa sheegay in ciidamadan ay heegan ugu jiraan la dagaalanka Shabaab.

“Ciidmadan waa guutada 10-aad iyo Ururka 50-aad ee ciidamada xooga dalka waxaa ay u taagan yihiin ilaalinta dadka iyo dalka astaantooduna waa Qaranka Soomaaliyeed daruuf walbo iyago ku shaqeynaayo ayay diyaar u yihiin la dagaalanka Al-shabaab”ayuu yiri Gen. Caddow.

Sareeye Guuto Cali Maxamed Maxamuud Bogmadow ayaa tagay furmaha ciidanka heeganka ku jiray islamarkaan xog wareysanayay xaaladaha ay ku sugan yihin iyo baahiyaha ay qabeen sidoo kale waxaa uu xusay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ogaashaha iyo daryeelida Ciidanka qaranka, wuxuuna kula dar daarmay in ay ku shaqeeyaan Soomaalinimada.

“Waxaan idinkula dar daarmayaa in aad ka fogaataan qabyaalada islamarakaan aad u diyaar garowdaan si feynta cadowga Soomaaliyeed oo ku dhuumaaleysanaya meelaha ay kaga sugan yihiin gobolada Jubbooyinka iyo Gedo” ayuu yiri Bogmadow.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan sidii loo dhisi lahaa dhamaan ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed si ay ula wareegaan marka ay ka baxaan dalka ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]