4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Shariif Xassan oo eedeyn u jeediyay ciidamada AMISOM

 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka  Koonfur Galbeed  Shariif Xasan Sheekh Aadan  ayaa ku eedeeyay howlgalka midowga Africa AMISOM in ay ku fashilmeen isku furida sida uu hadalka u dhigay Waddada xiriirisa Baydhabo iyo Muqdisho.

Shariif Xassan ayaa sheegay in marista waddadan muhiim u tahay bulshada isaga oo dowladda federaalka ugu baaqay in ay ka shaqeyso furista iyo nabadeynta waddadaasi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan wadsada xiriira Afgooye iyo Baraawe iyo mida kale ee aada Kismaayo.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si cad u sheegay in Ciidamada AMISOM ay ku fashilmeen in ay furaan wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab.

Al-shabaab ayaa inta badan waddada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, gaar ahan qeybta gobolka Shabeellaha hoose ka geysta weerarro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, waxaana waddadaa bilihii ugu danbeeyay lagu dilay tiro dad ah oo ka mid ahaayeen xildhibaaanno iyo Wasiirro ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]