4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 10, 2018
Madaxweynaha Turkiga oo Wiil uu Soddog u yahay u magacaabay Wasiirka Maaliyadda

 

Talaado, July, 10. 2018 (HOL) - Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ee mar kale la soo doortay ayaa magacaabay golihiisa xukuumadda wax yar uun kaddib markii xafiiska loo dhaariyay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa wiilka uu Soddoga u yahay ee lagu magacaabo Berat Albayrak waxaa uu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Maaaliyadda dalka Turkiga.

Erdogan ayaa dib loo doortay bishii aynu soo dhaafnay. Waxa uu sheegay in uu meesha ka saaray hab wadanka ka ragaadiyay dhan kasto hadii ay ahaan lahayd dhanka siyaasadda ama dhaqaalahaba.

Dib u doorashada Erdogan ayaa meesha ka saartay gabi ahaanba abkii baarlamaniga ahaa ee dalkaa lagu soo dhaqayay 95 sano ka hor.

Golaha Wasiirrada cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha Turkiga ayaay isugu jira Wasiiro cusub iyo kuwo horay xilal uga hayay xukuumadda oo qaarkood loo daayay Wasiiradihii ay maamulayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]