4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Shirka Midowga Afrika oo ka furmaya Mauritania

 

Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Magaalada Nouakchott ee dalka Mauritania ayaa lagu waddaa in maanta uu ka furmo shirka caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika.

Shirkan caadiga ah ee Madaxda dowladaha ee Midowga Afrika ayaa ka mid ah shirarka Ururka Midowga Afrika, waana shirka labaad ee ururka uu yeesho sanad walba, marka laga soo tago shirka guud ee Madaxweynayaasha ee sanadlaha ah.

Madax kala duwan ayaa shirkaan ka qeyb galaysa sida madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal, wasiiro  iyo marti sharaf lagu cusuumay.

Kulan madaxeedka oo ka qeyb galayaan madaxda Africa ayaa sidoo kale looga hadlayaa Qorshayaal muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib u qaabeynta hey’adaha kala duwan ee ururka midawga Afrika, sidii loo heli lahaa Maaliyad lagu wado howlaha hor-tebinta leh ee Midawga Afrika, nabadeynta iyo amaanka qaaradda, horumarinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda (AfCFTA), sida qaaraddu ay mowqif mideysan uga qaadan laheyd wada xaajoodka Heshiiska Iskaashi ee u dhexeeya Afrika, caribbean iyo Pacific (ACP) iyo meel marinta Miisaaniyadda Ururka Midawga Afrika ee 2019.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu socdo 1-2 July sidda ay xaqiijiyeen madaxda Ururka Midowga Afrika.

Dhinaca Soomaaliya waxaa shirkan ka qeybgalaya wafdi uu horkacayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]