4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 1 , 2018
Al-shabaab oo mid ka mid ah ergada soo xushay xildhibaannada ku dilay Muqdisho

 

Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe ku dilay magaalada Muqdisho oday dhaqameed ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada Golaha shacabka.

Dilkan ayaa gaar ahaan ka dhacay degmada Dharkeenley, waxaa oday dhaqameedka la dilay lagu magacaabi jiray Ibraahim Cali Xassan, kaasoo ka mid ahaa ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha Shacabka ee deegaanada Koofur Galbeed.

Raggii dilka ka dambeeyay ayaa baxsaday, iyadoo goobta dilka ka dhacay ay gaareen ciidamada ammaanka, kuwaasoo aan u suura gelin inay soo qabtaan kooxihii dilka geystay.

Dilalka ugu badan ee Muqdisho ka dhaca ayaa loo geysanayay ergada soo dooratay xildhibaanada, waxaana bil ka hor Al-shabaab soo bandhigtay muuqaalo xubno ka mid ahaa ergada oo lagu tooganayo meelo ka mid ah Muqdisho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]