4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 6 , 2015
Xaafad lagu Magacaabo Daaru-Salaam oo laga Dhisayo Muqdisho (SAWIRRO)


Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Xaflad lagu qabtay hoteelka Shaamo ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo bandhigay naqshadda deegaan casri ah oo magaalada Muqdisho laga hir-gelinayo, taasoo loogu magac-daray Daaru-salaam City, iyadoo laga hirgelinayo duleedka Waqooyi ee Caasimadda Somalia.

Mashruucan oo ah kii ugu horreeyey ee laga fuliyo Somalia ayaa waxaa fulinaysa shirkad kuw dhismaha ah oo lagu magacaabo Al-Buruuj; iyadoo uu maalgelinayo Salaam Somali Bank oo ka mid ah bankiyada ka howlgala dalka.

Sheekh C/risaaq Aadan Macallin oo ka mid ah mas’uuliyiinta shirkadda Al-buruuj ayaa u sharraxay marti-sharaf fara badan oo xafladda kasoo qayb-galay dhismaha deegaankan cusub, isagoo soo bandhigay qaab dhismeedka ay yeelaneyso Daaru-salaam City.

Xafladda ayaa lagu soo bandhigay muuqaal farxad-geliyey xubnihii ka qayb-galay, kaasoo muujinaya qaabka loo hir-gelinayo dhismaha xaafaddan oo ay hirgelinteedu socon doonto shanta sano ee soo socota.

Sidoo kale, Sh. C/risaaq ayaa xusay in macaamiishu u madax-bannaan yihiin doorashada naqshadda iyo noocyada loo dhisayo guryaha ay rabaan.

Deegaankan oo dhowr kiiloo-mitir dhanka Woqooyi uga beegan Muqdisho ayaa ka kooban dhismooyin laba dabaq ah, dhismooyin hal dabaq ah iyo dhismooyin fillooyin ah, waxaana uu leeyahay suuq caalami ah, masaajid, iskool, berkedaha dabaasha iyo garoommo lagu ciyaaro kubadaha cagta iyo koleyga.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, C/kariin Gabeyre iyo Sh. Cali Wajiis oo ka mid ahaa dadka ka hadlay munaasabadda ayaa ugu hambalyeeyay shirkadda dhismaha ee Al-Buruuj iyo Salaam Somali Bank oo maal-gelinaya mashruucan qiimaha badan ee ay Somalia ka hirgelin doonaan, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay fursaddan ka faa’iideystaan.

 Waxaa kaloo ka hadlay munaasabadda guddoomiyaha shirkada bixinaysa dhulka laga hir-gelinayo xaafaddan casriga ah ee Salaam Property, C/risaaq Xaashi Jimcaale ayaa sheegay in xaafaddan cusub ay u dhameystiran yihiin adeegyadii loo baahnaa oo dhan.

“Dhulkan jidka warshadaha wuxuu u jiraa 07-km, waxaana uu leeyahay suuq, masaajid iyo goob caafimaad, guryahana waxy noqon doonaan kuwa dabaq ah iyo kuwa kale, isla markaana bulshada ay soo dhaweyn doonto,” ayuu yiri C/risaaq.

Ugu dambeyn, Maxamed Cabdi Coloow oo ka mid ah mas’uuliyiinta Salam Somali Bank ayaa sheegay in mar waliba bankigu uu diyaar u yahay inuu bulshada Soomaaliyeed maal-galin u sameeyo, ayna mashaarciidan oo kale ay u hirgeliyaan, isla markaana ay sii wadi doonaan mashaariicda ay ku horumarinayaan adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya