C/WELI GAAS: Dagaallada Galgala Waxaan ku dilay Al-shabaab Fara badan (DHAGEYSO)


Talaado, Janaayo 06, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Max’ed Cali Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe gellinkii dambe ee maanta ka hadlay dagaallada Gal-gala ku dhexmaraya ciidamada Puntland iyo Al-shabaab, isagoo xusay in dagaalladaas ay ku dileen 20 ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayna kaga qabteen saraakiil sar-sare.

C/weli Gaas ayaa sheegay in dagaalladaas ay guulo waaweyn ka gaareen oo ay ka saareen Al-shabaab meelihii ay kaga sugnaayeen deegaankaas; ayna hadda si buuxda iyaga gacanta ugu haraan.

“Dagaalka Galgala waa wajigii labaad ee dagaallada aan Al-shabaab kula jirnay, waxaana ku gaarsiinnay dagaalladan dambe khasaare aad u xoog badan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland C/weli Gaas.

Sidoo kale, madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa hadalkiisa ku daray inay ciidankooda kaga qabsadeen deegaanno ay ka mid yihiin; Guri-xoor, Dhagax-dheer, Guri-xiis, Guri-dhakeyn, Diin-digle iyo kuwo kale oo badan oo uu sheegay inay ka hooseeyaan buuraha Galgala oo ay saldhigyo ku lahaayeen kooxaha argagxisada ah.

“Waxaan Al-shabaab kaga dilnay dagaallada u dambeeyay 20-qof, waxaan ku dhaawacnay 29-kale. Waxaana kaga qabannay saraakiil ay ka mid yihiin; Mukhtaar Cabdulle Axmed oo ku magac-dheer (Axmed Gurey) oo ahaa sarkaalkii ugu muhiimsanaa ee dagaal-gelinta iyo Axmed Cabdi Maxamed,” ayuu yiri Gaas.

DHAGEYSO: Shirka Jaraa'id ee Madaxweynaha Puntland

Madaxweynaha Puntland oo sii hadlayay ayaa xusay in dagaalladaan socda ay yihiin kuwo ay ku doonayaan inay xoogaga Al-shabaab kaga saaraan meelaha ay weli kaga sugan yihiin deegaanka Galgala.

Gaas oo ka hadlayay khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalladan ayaa sheegay inay kaga dhinteen illaa hadda shan askari; ayna dhaawacyo kasoo gaareen afar askari oo kale.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay go’aankooda ku aaddan Al-shabaab ayuu sheegay inay yihiin cadow caadeystay inay daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed, aysana wax gor-gortan la geli doonin, balse ciddii ka tirsan oo si nabadgalyo ah isku soo dhiibta ay diyaar u yihiin inay soo dhaweeyaan.

“Xubnaha lagu qabtay dagaalka waxaa la horgeyn doonaa maxkamad taas ayaana go’aan ka gaari doonta. Cid walba oo dagaal lagu qabtana mowqifka aan ka taagannahay waa in maxkamad lasoo taago,” ayuu C/weli Gaas ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay sii wadi doonaan dagaallada ka socda Galgala illaa inta ay ka saarayaan qofka ugu dambeeya ee Al-shabaab ka tirsan Gal-gala oo ah dhul buuraley ah.

Si kastaba ha ahaatee, Al-shabaab weli kama aysan hadlin dagaalladii maanta buuraha Gal-gala ka dhacay, halkaasoo tan iyo sannadkii 2010-kii ay u ahayd saldhigyo ay kaga sugan yihiin Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya