5/6/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 2 , 2015
Qarax dhimasho sababay oo Gaalkacyo lagula beegsaday Macalimiin Ajaanib ah


Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay qarax maanta galinkii hore lala eegtay macalimiin ajnabi ah isla markaana barayaal ka ah iskuulka Yamayska ee magaalada Gaalkacyo sida ay ku soo waramayaan dad goob-joogayaal ah.

Qaraxan ayaa la sheegay sidoo kale in ay ku dhaawacmeen tiro dhan afar ruux oo kamid ah barayaashaas oo u dhashay dalka Kenya, waxaana uu ahaa mid lagu aasay wadada dhinaceeda.

Ruuxa geeriyooday ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa ilaalida iskuulka lala beegsaday Qaraxa, iyadoo dhaawacyada loo cararay cisbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacyo, waxaana soo baxaya warar sheegaya in tirada dhimashada ay intaa ka sii badan-karto.

“Waxaan ku xaqiijin karaa inaan maqalnay qaraxa kaddib waxaa goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah “ayuu yiri goob-jooge lagu magacaabo Axmed oon qadka taleefkanka kula hadlay

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka magaalada ayaa  soo gaaray dugsiga, waxaana howl-gallao ay goobtaa ka fuliyeen la sheegay in ay ku qab-qabteen dhowr ruux oo looga shakiyay in ay wax ka soo abuuleen qaraxan.

Maalin ka hor ayey ahayd markii bam gacmeed lagu weeraray idaacadda Radio Gaalkacyo ,waxaana Iskuulka maanta la weeraray ku dhex taala idaacad kale oo lagu mgacaabo Codka Nabadda kana mid ah Idaacadihii ugu horeeyay ee gobolka Mudug laga furay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]