Jimco, Janaayo 02, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Max'uud Siilaanyo ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Suldaan sheegay inuu dagaal la gali doonno Somaliland, isla waxa uu sheegay inuu dalku yahay dal dimuqraadi ah oo xukunka lagu bedeli karo cod balse aan cidna loo ogolayn inay qori ku hanjabto.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay loolanka adag ee u dhexeeya xisbigiisa, kuwaas oo ay isku hayaan wasiirka Maaliyadda C/casiis Samaale, wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi iyo Guddomiyaha xisbiga KUlmiye Muuse Biixi oo isku haysta tartanka ciddii bedeli lahayd madaxweyne Siilanyo marka uu wakhtigiisa dhamaysto.
Madaxweynuhu waxa uu sidaas ka sheegay khudbaddii sanadka cusub ee uu shacabka ugu hambalyeynayey, isagoo shacabka u rajayey mustaqbal wanaagsan.
Mar uu madaxweynuhu ka hadlayey suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo sheegay inuu Somaliland dagaal la gali doono, isagoo arrintaa ka hadlaya wuxuuna yiri. “Dhawaanahan waxaa soo baxayey Suldaan ku baaqayay colaad iyo in qoriga la qaato oo Qaranka la dumiyo.Waxaan leeyahay Somaliland waa qaran tashaday qof keliyina ma dumin karo, qaar hore isugu dayeyna way ku qasaaroobeen oo Bulshada Somaliland way ka tashatay qof waddo qalloocan iyo qorshe gurracan ku baaqaya.”
“Waa la yaab Suldaan qori qaataa, ee suldaan samo-talis baa lagu ogaa, suldaan nabad-baa lagu ogaa. Dalka Somaliland waa dal nabdoon oo dimuqraadi ah dadkiisuna waxay ku heshiiyeen in ay codkooda isbedelka ku sameeyaan, Qori lagama oggola cid aan ahayn Ciidamada Ammaanka, cidkasta oo ka talawda xuduudda qarannimada waxay ku amran yihiin inay gacan buuxda ku qabtaan waxaanay u leeyihiin awood ku filan iyo sharciyad dhammaystiran.”ayuu hadalkiisa raaciyey.
Mar uu ka hadlayey odayaal reer Awdal oo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo tabasho u usoo gudbiyey waxaanu yidhi “Waa wax kala gaar ah tabashada iyo qaran-dumis-nimadu, kii wax tabanaya ee sida odayadii dhaqanka ee halkan iigu yimi waa soo dhawaynaynaa, waa u garaabaynaa wixii ay leedahayna waa marinaynaa, balse qofka sida Suldaan Wabar qaran dumiska ah ee qoriga qaata, waxaanu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”
Mar kale madaxweynaha oo ka hadlayey khilaafka ka jira xisbigisa iyo masuuliyiin isku haysta hogaaminta xisbiga kulmiye waxa uu yidhi “Waxaa muuqatay is-maandhaaf iyo hirdan kaadirkii Xisbiga KULMIYE qaar ka mid ah ay maalmahan warbaahinta SL soo bandhigaysay damacooda siyaasadeed ee ku aaddan kursiga aan ku fadhiyo. Waxaanan leeyahay kursigan anigaa ku fadhiya, xisbiguna ii gartay mustaqbalkana murashax ayaan ahay, saxna ma ahan inaad isku kay dul-qabsataan wixii iga dambeeya Ilaahay ha ina gaar-siiyo, Xisbiguna waa Xisbi dimuqraadi ah oo waa lagu tartamayaa dhexdiisa, waxaana ina sugaya xisbiyo kale ayaa tartanka nagula jira ee walaalayaal yeynaan meelo ah cidla ku xiiqin oo isku qabsan, yeynaan waxaan joogin isku colaadin, kolay meel dad-joogo qalooc iyo qardoofo laga waayi maayo ee aan ilaalinno wada jirka Xisbiga iyo Midnimadiisa.”
Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaan hore uga hadal khilaafka ka jira xisbigiisa iyo tartanka hoose dhexmarayey wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo hadalo kulkul oo ka soo yeedhay suldaan Abubabaro Wabar oo u hanjabay Somaliland sheegayna inuu xaqiisii ka waayey.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland