Dhacdooyinkii ugu waaweynaa Puntland 2013 (SAWIRRO)

Talaado, December 31, 2013 (HOL) — Sanadka ay maanta ugu dambeyso ee 2013, waxaa deegaanada Puntland ka dhacay isbedello badan iyo weliba dhacdooyin ay qaarkood adag tahay in si fudud loo illaawo. Inkasta oo dhammaan dhacdooyinkii ka dhacay Puntland sanadka 2013 aanan soo bandhigi karin, waxan hadana isku deyayaa in aan qormadan kusoo bandhigo kuwii ugu muhiimsanaa, anigoo u kala hormarinaya sida ay ukala horeeyeen.


Taliye ku-xigeenka Booliska Puntland oo ka badbaadey qarax is-miidaamin ah [February 11, 2013 ]

Subax Isniin ah, taariikhduna ay ahayd Feberaayo 11, 2013, ayaa waxaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug qarax is-miidaamin ahaa lagula beegsaday taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse.


Qaraxa oo ka dhacay meel u dhow xarunta taliska ciidamada Booliska Puntland ee magaalada Gaalkacayo, waxaa ku dhaawacmay 14 qof oo Jen. Muxiyadiin Axmed Muuse uu kamid ahaa, islamarkaana ay ku jireen askar iyo dad kale oo rayid ah.

Hal qof ayaa qaraxaas ku dhintay, kaas oo ahaa qofkii fuliyey weerarka is-miidaaminta ah. Mas’uuliyadda qaraxaas waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab, iyagoo kusoo daabacay bog ay Twitter-ka ku lahaayeen farriin marka Af-soomaali loo rogo noqonaysa sidan:

"Mujaahidiintu waxay  maanta hawgal istishhaadi ah ka fuliyeen Gaalkacayo, wuxuuna bartilmaameedku ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Puntland. Ugu yaraan 6 ka tirsanaa ciidamada murtadiinta ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 9 kalena way ku dhaawacmeen"

Qaraxaasi wuxuu ahaa kii labaad ee qof isa soo midaamiyey uu fuliyo ee abid ka dhaca deegaanada uu maamulka Puntland ka arrimiyo.



Dilkii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax [ February 15, 2013 ]

Bishii Febaraayo 15-keedii 2013, waxaa masjidka Badar oo ku yaalla magaalada Garoowe, xilli uu salaadda casarka ku jirey lagu toogtey Sheekh C/qaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo kamid ahaa culimaa'uddiinka Soomaaliyeed ee waaweyn.

Dilka Sheekha waxaa loo qabtay labo nin oo dhallinyaro ah, waxaana dilkiisa lagu eedeeyey Ururka Al-shabaab, inkasta oo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay mas'uuliyadda dilka Sheekha iska fogeeyeen.

Labada nin ee dhalinyarada ah ee dilka Sheekh C/qaadir Nuur loo qabtay - oo mid kamid ah la sheegay inuu ahaa gacan ku dhiiglihii Sheekha toogtey- waxaa lagu kala magacaabi jirey: C/raxmaan Xuseen Jaamac iyo C/laahi Cismaan Axmed.

May 23, 2013, ayey maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland waxay ku riddey xukun dil ah. Xilli subax ah, taariikhduna ay ku beegnayd July 23, 2013 ayaa labadaas nin lagu qisaasay duleedka magaalada Garoowe.

Sheekhu wuxuu kamid ahaa Jaamacada Al-ictisaam, wuxuuna qayb ka ahaa culumaa'uddiinka sida weyn u dhaliila siyaasadda iyo afkaarta diimeed ee Ururka Al-shabaab.


Madaxweynaha Soomaaliya oo markii ugu horreysey -intii uu xilka hayey- Garoowe booqasho kusoo gaaray [April 28, 2013]

Bishii April 28, 2013, waxaa magaalada Garoowe soo gaaray -markii ugu horreysey tan iyo intii la doortay- Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Booqashada Madaxweyne Xasan ee Garoowe oo qaadatay labo maalmood waxay ku ekeyd April 29, 2013. Labada Madaxweyne [ Xasan Sheekh iyo C/raxmaan Faroole] waxay isla maalintaas si wadajir u qabteen shir-saxaafadeed oo ay kaga warbixinayeen kullammadii ay Garoowe ku yeesheen iyo weliba waxa kasoo baxay.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo hadalka ku horreeyey, ayaa sheegay in kulankii dhex maray isaga iyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud arrimo badan la iskula meel dhigay.

Madaxweyne Faroole ayaa tilmaamay in qodobada la isku afgartay ay kamid yihin: soo celinta midnimada dalka iyo dib u heshisiinta; is-kaashiga dhanka nabad gelyada iyo sameynta maamul goboleedyada harsan.

Dhanka kale, Faroole wuxuu sheegay in uu jiro wax-ka-beddel lagu sameeyey dastuurka dalka - ee sida kumeel gaarka ah loo ansixiyey Agoosto 1, 2012- isagoo ku baaqay in arintaas si deg deg ah looga daba tago.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo intaas kaddib hadalka qaatay ayaa sheegay in dastuurka dalku markii la ansixinayeyba uu ahaa mid qabyo ah, laguna heshiiyey in waxyaabaha dhiman dib laga saxo, taasina ay tahay mid horay la isugu afgartay.

Dhinaca maamul-u-sameynta gobollada mar uu ka hadlayey, wuxuu Madaxweynuhu tilmaamay in dhismaha maamullada federaalku uu yahay mid dastuuri ah, dowladduna aysan kasoo horjeedin.


13-qof oo qaarkood loo qabtay dilkii Sh. Axmed X. C/raxmaan ayaa la toogtay [April 30, 2013]

Aroor hore oo Talaado ah, taariikhduna ay ku beegnayd Abriil 30, 2013, ayaa waxaa duleedka magaalada Boosaaso lagu toogtey 13 qof oo horay xukun dil ah loogu ridey.

Dadka la toogtay oo hal qof oo kamid ahi uu damar ahaa, waxaa badankood loo soo qabtay inay ku lug lahaayeen falal ammaan darro iyo dilal magaalada Boosaaso ka dhacay, islamarkaana ay ka tirsanaayeen Ururka Al-shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa 13-kaas qof ku xukuntay dil toogasho ah, taariikhdu markay ahayd February 27, 2013, waxaana afar kamid ah loo haystay in ay ka dambeeyeen dilkii Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka, kaas oo December 5, 2011 magaalada Boosaaso lagu diley, xilli uu saaladda arooryo kaddib kasoo baxay Masjidka Xasan Bin Cali oo ku yaal xaafadda Biyo Kulule ee magaalada Boosaaso.

Xarakada Al-shabaab ayaa ku gooddiyey inay u aargudi doonto 13-ka qof ee duleedka magaalada Boosaaso lagu toogtey, waxaana af-hayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere oo warbaahinta la hadlay uu sheegay, in qof walba oo xukunkaas gacan ka geystey amase fuliyey ay ka aarsan doonaan.



Doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland ayaa la joojiyey [July 14, 2013]

July 14, 2013 waxaa la joojiyey doorashooyinkii goleyaasha deegaanka oo maalin kaddib waqtigaas ka qabsoomi lahaa deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/raxman Maxamed Faroole ayaa shaaciyey in doorashooyinkaas dib loo dhigay, kaddib markii dagaal khasaare nafeed geystey uu isla maalintaas degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ku dhex maray ciidamada dowladda iyo mileeshiyaad taabacsanaa qaar kamid ah murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha.

In badan oo kamid ah dadka reer Puntland ayaa soo dhoweeyey go'aanka Madaxweyne Faroole, maadaama laga cabsi qabey in doorashooyinkaasi ay horseedaan qalalaase siyaasadeed oo ka dhaca deegaanada Puntland.

 

Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu xiriirka u jaray dowladda Federaalka Soomaaliya [August 6, 2013]

Aug 6, 2013 dowladda Puntland waxay shaacisay in ay xiriirka u jartay dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya. Go'aanka Puntland waxaa loo sababeeyey arrimo dhowr ah, waxaana kamid ahaa:

  • In dowladda federaalku ay wax ka bedeshey dastuurka dalka.
  • In dowladda federaalku ay kasoo hor jeeddo dhismaha maamul goboleedyada dalka.
  • Iyo in dowladda federaalku aysan si siman u qaybin deeqaha lacageed iyo kuwa waxbarashada ee caalamku uu siiyo Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u hakisay wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lahayd Dowladda Federaalka Soomaliya…” war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidaas lagu yiri.



Xabsiga Dhexe ee magaalada Boosaaso oo la weeraray [November 09, 2013]

Xilli habeen ah abbaare 10:30PM taariikhduna ay ku beegnayd November 09, 2013, ayaa weerar aad u xoogan lagu soo qaaday xabsiga Gaal-shiraha ee magaalada Boosaaso.

Kooxda weerarka soo qaadday oo wasaaradda amniga ee Puntland ay sheegtay in ay ahaayeen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al-shabaab, waxaa iska-hor-imaad muddo saacad ku dhow socdey uu dhex maray iyaga iyo ilaalada xabsiga.

Weerarka waxaa ku dhintay taliye ku-xigeenkii xabsiga oo lagu magacaabi jirey C/raxmaan Abshir, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay labo sarkaal oo kale. Saraakiisha dhaawacmay waxaa kamid ahaa taliyaha xabsiga Shire Siciid Maxamed.


Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland C/casiis Siciid Gacamey

"xalay saacaddu markay ahayd 10:30 PM, ayaa waxaa soo weeraray xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso rag Al-shabaab ah oo tiradooda lagu qiyaasay 30 ilaa 40 qof, weerarkaas kahor waxay labo bumbo ku tuureen saldhigga booliska ee Biyo-kulule iyo xarunta dowladda hoose" Wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga ee Puntland shir-saxaafadeed ka hadlay ayaa yiri.


Roobab qabow iyo dabaylo wata ayaa dad iyo duunyo badan ku diley gobollada Nugaal, Karkaar iyo Gardafuuy [November 11, 2013]

November 11, 2013, roobab mahiigaan ah oo dabeylo aad u qabow wata islamarkaana galaaftay nolosha in ka badan 100 qof iyo xoolo ay tiradoodu 20,000 kor u dhaafeyso, ayaa ka da'ay qaar kamid ah gobollada Puntland ee ku dherersan Badda Hindiya.

Roobabka oo da'ayey in ka badan 48-saacadood, waxay saameeyeen gobollada Nugaal, Karkaar iyo Gardafuuy, haseyeeshee deegaanada miyiga ah ee u dhexeeya degmooyinka Eyl iyo Dangorayo ayaa ah halka ay roobabkaasi khasaaraha ugu badan ka geysteen.


Gurmad xooggan ayaa loo fidiyey dadka ay duufaantu saamaysay, gurmadkaas oo intiisa badan ay dadka reer Puntland fidiyeen, waxaa sidoo kale ka qayb qaatay: Qaramada Midoobay, dalalka Soomaaliya deriska la ah, Dowladda Federaalka, qaar kamid ah maamullada ka jira dalka iyo weliba qurbe-joogta Soomaaliyeed.


Sirdoonka Puntland oo qabtay labo nin oo ajnebi ah oo la sheegay in ay jawaasiis ahaayeen [November 14, 2013]

Taariikhdu markay ahayd November 14, 2013 ayaa sirdoonka Puntland waxay magaalada Garoowe ku qabteen labo nin oo ajnebi ah una kala dhashay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo November 18, 2013 shir-jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in labadan nin la qabtay iyagoo faraha kula jira hawlo aan sharci ahayn.

Khaliif Ciise ayaa sheegay in labadan nin oo markoodii hore dalka kusoo galay qaab NGO ka shaqeeya arrimaha samafalku ay Puntland ka sameysteen shabakad jawaasiis ah oo qarsoon [waa sida uu hadalka u dhigey]

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay si sharci darro ah u qaadan jireen khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan macaadinta qaaliga ah ee dhulka laga soo saaro.


Qarax is-miidaamin ah oo Boosaaso ka dhacay [December 5, 2013]

Dec 5, 2013, waxaa bartamaha suuqa magaalada Boosaaso ka dhacay qarax is-miidaamin ah oo aad u xooggan, islamarkaana geystey khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed oo badan.

Qaraxa waxaa fuliyey qof watey gaari nooca Toyota Noah ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey, waxaana lala beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, xilli ay marayeen meel u dhow xarunta Shirkadda Amal ee Boosaaso.

9 qof ayaa qaraxaas ku dhintay ku dhowaad 40 qof oo kalena way ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa u badnaa dad rayid ah oo xilligii uu qaraxu dhacyey goobta ka ag dhowaa.

Qaraxaasi wuxuu ahaa kii labaad ee noociisa ah ee magaalada Boosaaso ka dhaca tan iyo sanadkii 2009.



Liiska xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Puntland ee 2014 oo lasoo gudbiyey [December 30, 2013]

Xalay oo taariikhdu ay ku beegnayd December 30, 2013 abbaare 8:00PM -waqtiga geeska Afrika- ayaa Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanadu waxay soo bandhigeen magacyada xildhibaanada kamid noqon doona baarlamaanka cusub ee Puntland.

Magacyada la shaaciyey waxaa ku jira 21 xildhibaan oo iyagu horay uga tirsanaa baarlamaankii Puntland ee uu waqtigiisu dhamaaday, maalinta berri ah ayaana lagu wadaa in la dhaariyo.

Baarlamaanka Puntland iyaga ayaa doorta madaxweynaha, madaxweyne ku-xigeenka iyo weliba guddoomiyaha baarlamaanka. Doorashada madaxtinimada ee Puntland ayaa dhici doonta 8-da bisha Janaayo ee sanadka -berri kowsan doona- ee 2014

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya

More News