4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan Weerarkii Ismaadinta ahaa ee saaka ka dhacay Magaalada Gaalkacayo


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaraxii ismiidaaminta ahaa ee saaka magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse.

G/sare Jaamac Maxamed Axmed oo ah taliyaha Booliska Puntland ee gobolka Mudug ayaa goor dhow warbaahinta kula hadlay gudaha Isbitaalka GMC, halkaas oo la dhigey dadkii qaraxa ku dhaawacmay.

Wuxuuna sheegay in dadka dhaawacmay ay wadartoodu tahay 14, wuxuuna intaas raaciyey in  9 kamid ahi ay yihiin askar, halka 5ta qof ee kale ay yihiin dad rayid ah oo xiligii uu qaraxu dhacayey goobta ka agdhowaa.

"Waxaa qaraxa sameeyey gaari uu hal qof wato meel 100 mitir u jirta saldhigga, markii uu taliyuhu isteeshinka soo gelayey ayaa qaraxa lala beegsaday, dhaawaca ciidanku waa 9 rayidku waa 5 qof, islaan weyn ayaa liidata sida la ii sheegay" G/sare Jaamac Maxamed  ayaa war-fidiyeenada u sheegay.

Ugu danbeyntii, wuxuu taliyuhu xusay in dadka dhaawaca ah uu ku jiro Gen. Muxiyadiin oo isagu ahaa bartilmaameedka qaraxa, islamarkaana uu qabo dhaawac fudud  halka ay dhimashadu ilaa iyo hadda tahay hal qof, kasoo ah qofkii weerarka fuliyey.

Dhinaca kale barta Twitterka ee xarakada Al-shabaab ayaa lagu baahiyey in weerarkii ismiidaaminta ahaa ee saaka magaalada Gaalkacayo ka dhacay ay mas'uuliyaddiisa leedahay xarakada Al-shabaab.

"Mujaahidiintu waxay  maanta howgal ismiidaamin ah ka fuliyeen Gaalkacayo, wuxuuna bartilmaameedku ahaa saraakiil sare oo ka tirsan Puntland. Ugu yaraan 6 ka tirsanaa ciidamada murtadiina ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen 9 kalena way ku dhaawacmeen," sidaas waxa lagu daabacay bogga Twitterka ee Al-shabaab.

Qaraxa saaka Gaalkacayo ka dhacay oo ahaa mid aad u xooggan, wuxuu kusoo aadayaa xilli todobaadkii u danbeeyey ay ciidamada ammaanku magaalada ka sameeyeen howgallo ballaaran oo lagu soo qaqabtay dad 200 kor u dhaafaya.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya