
Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 20-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal xalay gellinkii dambe ku dhexmaray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose ciidamada kumaandooska Faransiiska iyo xoogagga Al-shabaab.
Wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska ayaa sheegtay in laba ka mid ah ciidamadooda komaandooska iyo la haystihii ay doonayeen inay soo furtaan ay kaga dhinteen weerarkaas, sidoo kalena ay ku dileen 17 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.
Lix qof oo shacab ah ayaa sidoo kale ku dhintay dagaalkaas, kuwaas oo la sheegay inay ku jireen haweeney uur leh, cunug yar iyo nin oday ah, iyadoo la sheegay inay dadkaas toogteen ciidamadii dhulka ka dagaalamayay ee Faransiiska ahaa.
Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in Dennis Allex ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab intii uu dagaalku socday, balse Al-shabaab ayaa sheegtay inay weli gacanta ku hayaan Allex oo nool ayna saxaafadda u soo bandhigi dooonaan marka ay nabaddu u saamaxdo.
Al-shabaab kama aysan hadlin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka, iyadoo xaaladda degmada ay caadi kusoo laabatay maanta baqadii dina loo furay ganacsiga.
"Xaaladdu hadda waa deggen tahay, waxaase magaalada ka buuxa ciidammo Al-shabaab ah oo wata gaadiid dagaal, dadkuna waxay inta badan isweydiinayaan wixii dhacay," ayuu yiri Cumar Cali oo ka mid ah dadka ku nool deegaanka oo HOL la hadlay.
Goobjoogayaal kale ayaa sheegay inay arkeen maydka askari ka mid ah askartii Faransiiska ee lagu dilay weerarkii xalay, ayna Al-shabaab u sheegeen dadka deegaankaas inay soo bandhigi doonaan askartii ay ku dileen weerarkaas.
Saldghiggii Al-shabaab ee weerarka lagu qaaday ayaa gabi ahaan la burburiyay, waxaana weerarkan uu uu ahaa kii ugu horreeyay oo ay Faransiisku ku qaado saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Faahfaahin ku saabsan iska-horimaad ciidammo Faransiis ah iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo-Mareer
More News
- Tartan kubada cagta ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan
- Sare-u-kac ku yimid Qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga ah iyo Xukuumadda Somaliland oo aan illaa hadda waxba ka qaban
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Qarax Miino iyo Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay
- Ciidamada Ammaanka Kenya oo ruux burcad ah ku dilay Xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya
- Boqolaal Arday ah oo u fariistay Imtixaanka kulliyadaha Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)
- Dowladda Britain oo shaacisay in ay mar kale Marti-gelinayso kulan Arrimaha Dalka Soomaaliya looga hadlayo
- Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Waddanka Jabuuti oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi
- Iska-horimaad Xooggga Al-shabaab iyo Ciidammo Faransiis ah ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose