Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan degmadaas ayaa HOL u sheegay in diyaaradaha dagaalka ay magaalada si aad ah ugu soo dhawaadeen taasna ay keentay in dadku ay ka baqaan inay masaajidda iyo barxada lagu turkado tagaan.
"Shacabka Baardheere ku nool aad ayay u baqeen saakay waayo diyaarado dagaal ayaa magaalada soo dul maray, 70% dadkuna ma aysan tukan saakay," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Baardheere.
Diyaaradahan dagaal oo la rumeysan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaan wax duqeyn ah ka geysan degmada, iyadoo xoogagga Al-shabaab ay rasaas fara badan ku fureen diyaaradahaas, taasoo sare u qaadday cabsida dadka degmadaas ku nool.
"Inta badan dadka degmada Baardheere ku nool ma aysan tukan maanta, taasna waxaa sababay diyaaradaha, mana jirto wax hadal ah oo ay kasoo saareen saraakiisha Al-shabaab ee degmada ku sugan," ayuu yiri goobjoogaha la hadlay HOL.
Waa markii ugu horreysay oo diyaarado dagaal ay shacab ku nool deegaanka ka tirsan Soomaaliya ka horjoogsadaan inay salaadda ciidda tukadaan, iyadoo xaaladda degmada Baardheere ay haatan tahay mid aad u deggen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Diyaarado dagaal oo dadka ku nool Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ku qasbay inaysan Tukan Maanta Salaaddii Ciiddul Adxa
More News
- Magaalada Eskilstuna oo si weyn looga dabaal-degay munaasabadda Ciidul-Adxa (SAWIRRO)
- Madaxda Dowladda oo hadallo ka jeediyay munaasabadda Ciidda oo Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO IYO COD)
- Ciidul Adxa oo maanta si weyn looga dabaaldegay Magaalada Nairobi
- Guud ahaan gobolladda Somaliland oo maanta si weyn looga Ciidday iyo madaxweynaha oo farriin u diray dadweynaha
- Magaalada Baladweyne oo maanta si ka duwan sidii hore looga maamusay munaasabada Ciida
- Muqdisho oo si weyn looga ciiday iyo Madaxda Dowladda oo Hambalyo ku Aaddan Ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed
- Madaxweynaha Soomaaliya oo ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan kana qayb-qaataan nabad kusoo celinta dalka
- Soomaalida iyo Muslimiinta kale ee ku nool Magaalada Cape Town ee dalka Koonfurta Afrika oo Maanta si weyn u ciiday
- Ciidamada Milateriga Somaliland oo Hawlgalo ay sameeyeen kusoo qabtay Kooxo ka Ganacsada Tahriibinta Dadka