Tuesday, May 21, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 26, 2012
Muqdisho oo si weyn looga ciiday iyo Madaxda Dowladda oo Hambalyo ku Aaddan Ciidda u diray shacabka Soomaaliyeed

Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa si weyn u ciidaya maanta oo ay tahay maalintii koowaad ee Ciidul Adxa oo ka mid ah labada ciidood ee ay dadka muslimiinta ah ciidaan halkii sanaba, iyadoo madaxda dowladda Soomaaliya ay hambalyo ciiddan ku aaddan u direen shacabka Soomaaliyeed mee walba oo uu joogo.

Xaafadaha degmooyinka Muqdisho ayaa waxaa lagu arkayaa caruur labisan si ay u muujiyaan inay maanta tahay ciid, waxaana sidoo kale masaajidda ku yaalla degmooyinka Muqdisho laga tukaday salaaddii ciiddu saacaddu markiii ay ahayd 8:00 aroornimo.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aaddan ciiddan u diray shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay caalamka ka joogaan, isagoo soomaalida qurbaha ku nool u rajeeyay inay sannadkan kiisa kale ku dalkooda oo nabad ah.

"Waxaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan u rajeynayaan inay ciiddan teeda kale ku ciidaan nabad iyo baraare intan ka badan, gaar ahaan kuwa dalka dibaddiisa ku nool," ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay in dowladdu ay dadaal u galayso xaslinta dalka.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo isna shacabka kala hadlay warbaahinta ayaa u rajeeyay wanaag iyo horumar intaan ka badan, isagoo ku borriyay shacabka Soomaaliyeed inay qayb ka qaataan soo celinta nabadda dalka.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa sidoo kale u diray shacabka Soomaaliyeed hambalyo kuwan la mid ah, isagoo shacabka ka dalbay inay dowladda gacan ku siiyaan sidii ay uga shaqeyn lahayd dib u dhiska dalka iyo nabad soo celinta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

10/26/2012 8:05 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Magaalada Eskilstuna ee Gobolka Sörmaland eedalka Sweden ayaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda Ciidul-Adxa, iyadoo dadka Muslimiinta ah ee magaalada ku noolna ay meel ku wada tukadeen salaadda.

10/26/2012 7:26 AM EST
Jimco, October 26, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka xarunta Madaxtooyadda marti qaad manaasabadda ciida darteed ah ugu sameeyey Masuuliyiinta Dowladdda federaalka Soomaaliya iyo marti sharaf kale.

10/26/2012 7:01 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -Muslimiinta ku dhaqan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa maanta siweyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Adxa , iyadoona la arkayay kumannaan dadweeyne ah oo saladda ciidda ku oogaya fagaareyaal kala duwan.

10/26/2012 6:03 AM EST
Jimco, October, 26, 2012 (HOL)- Guud ahaan gobolada Somaliland, ayaa maanta si weyn loogu soo baxay munaasibadda Ciidal Adxa awgeed oo muslimimiintu si weyn u weyneeyaan, isla markaana salaala si balaaadhan loo oogo.

10/26/2012 5:50 AM EST
Jimco, Oktoobar, 26, 2012 (HOL) -- Guud ahaan marka la eego dunida muslimka maanta waxaa si isku mid ah looga dabaal-dagayaa munaasabada Ciidul-adxaa, gaar ahaan dalka Soomaaliya gobollada dalka ay ka socdaan fantisyo kala duwan oo loo dhigay maalinta weyn ee Ciidda.

10/26/2012 4:26 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Diyaarado dagaal ayaa hakad ka geliyay dadka ku nool degmada Baardheere ee gobolka Gedo inay saakay tukadayaan salaaddii Ciidul Adxa, kaddib markii ay cabsi lasoo daristay dadka ku nool degmadaas oo ay ka taliso Al-shabaab.

10/26/2012 4:12 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Xarakada Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna ka qayb-qaataan dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo sheegay inaan dagaal wax faa'iido ah lagu gaarayn.

10/26/2012 3:32 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn loogu soo baxay salaadda ciidda iyadoo muslimiin aad u fara badan ay buux dhaafiyeen barxadaha lagu dukado salaadaha ciidda ee ku kala yaalla gudaha iyo duleedada magaalada.

10/26/2012 3:21 AM EST
Jimco, Oktoobar 26, 2012 (HOL) — Ciidanka Milatariga Somaliland, ayaa hawlgalo ay sameeyeen deegaanka galbeedka Somaliland ku soo qabqabtay dad ka baayac mushtareeya tahriibiinta dadka, kuwaas oo isku xidhnaa ilaa magaalada Muqdisho, oo dadka tahriibaya soo anbabixiye, ahaydna sil silid dheer oo magalooyinka la marayo dadka soo dhaafiya, waxaana la sheegay in bilihii u dambeeyey si xawli ah ay u isticmaalaan dadka tabriibka ahi jidka Lawyo-cado una gudba xaga Jabuuti.