5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Hay'adda Zamzam iyo IHH Turkey oo iska kaashanaya Mashruuc lagu dhisayo Xarun lagu Xannaaneeyo Agoonta iyo Iskuul

Zamzam Foundation.jpg

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Hay'adda Zamzam Foundation - Soomaaliya iyo IHH Turkey ayaa waxay Muqdisho ka dhisayaan xarun lagu xannaaneeyo agoonta iyo iskuul ay waxbarasho, kuwaasoo laga hirgelinayo deegaanka Jaziira.

Madaxa mashaariicda ee hay'adda Zamzam Cumar Jaamac Aadan ayaa sheegay in mashruucan uu yahay kii ugu weynaa ee ay labadan hay'adooda ka hirgeliyaan Soomaaliya. Isagoo intaas ku daray in hay'aduhu ay mashaariic kale oo horumarineed kawadaan dalka.

Wafdi Turki ah oo isugu jira haween iyo rag ayaa waxay booqdeen maanta halka laga dhisayo xerada agoonta iyo iskuuulka, iyagoo kormeeray sida ay howsha dhismaha u socoto.

Xaruntan ayaa waxaa dhagax-dhigay bishii Jannaayo ee sannadkan ra'iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga, Bekir Bozdağ - waxaana mas'uuliyiinta labada hay'adood ay sheegeen in la dhameystirayo bisha Juun ee sannadkan.

"Waxaan ugu talogalnay inay xaruntan hoy u noqoto 300-agoon Soomaaliyeed ah, waxaana iskuulka la dhisayo ka faa'iideysan doona 1,000 arday Soomaaliyeed ah oo qaarkood ay dibadda xarunta ka imaanayaan" ayuu yiri wakiilka hay'adda IHH ee Soomaaliya, Taner Altun oo saxaafada kula hadlay halka dhismaha mashruucan ka socdo.

Mashruucan oo ay dhaqaalihiisa bixinayso hay'adda Turkiga ee IHH ayna fulinayso hay'adda Zamzam Foundation ayaa wuxuu ka kooban yahay dhisme iskuul oo 24-qol ah, hoyga wiilasha iyo midka gabdhaha, masjid, xarun caafimaad, ceel-biyood iyo garoon lagu ciyaaro.

Dhulka ay xaruntan ku fadhido ayaa wuxuu cabirkiisu gaarayaa 100 x 100 ama 10,000 mitir oo laba jibaaran, iyadoo saraakiisha Turkiga ee maanta booqday xaruntaas ay aad ugu riyaaqeen sida ay howshu ku socoto.

Zamzam Foundation11.jpg
Zamzam Foundation12.jpg
Zamzam Foundation13.jpg
Zamzam Foundation14.jpg
Zamzam Foundation15.jpg
Zamzam Foundation2.jpg
Zamzam Foundation3.jpg
Zamzam Foundation10.jpg
Zamzam Foundation4.jpg
Zamzam Foundation5.jpg
Zamzam Foundation6.jpg
Zamzam Foundation7.jpg
Zamzam Foundation8.jpg
Zamzam Foundation9.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya