5/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2012
Koob loogu magac daray Iftiinka nabada iyo is raaca dhalinyarada Muqidisho oo la soo gabgabeeyey (SAWIRRO)

KOOBKA.jpg

Sabti, March 24, 2012 (HOL) - Koobkan oo ka socday iskuulka Jabuuti ee xaafada Buulo-Xuubey ee degmada Wadajir ee G/Banaadir ayaa waxaa ka qeybgalayey kooxo badan oo ka socday degmooyinka G/Banaadir .

Munaasbadi gabagabdi koobka oo ay ka soo qeybgaleen boqolaal qof oo ah dadka ciyaaraha xiiseeya iyo mas’uuliiyin uu ugu horeeyey gudoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee dhinaca amniga Warsame Max’ed Xasan Joodax , gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee demada Wadajir Xuseen Bootaan Xasan , Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee degmada Wadajir Macalin Max’ud Saneey , Gudoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta C/laahi Aboow Xuseen , Gudoomiyaha dhalinyarada SYAO oo ah ururka soo qabanqaabiyey Max’ed Cajiib ,gudoomiyaha Olymicada degmada Wadajir Axmed Max’ud Diiriye , iyo xoghayihiisa Max’ed Catoosh Cali.

Ciyaarta oo ku bilbaatay si dar dar ah ayaa labada koox waxaa ay soo bandhigeen ciyaar aad u jecleysteen daawadayaashii ka soo qeybgalay ee buuxiyey garoonka .

KOOBKA10.jpg

Gudoomiye xigeenka G/Banadir ee dhinaca aminiga Warsame Joodax ayaa u mahadceliyey SYAO doorkeeda soo nooleynta isboortiga , waxaana uu ku ammaanay in ay fulinayaan qorshaha isdhaxgalka bushada iyo in dhalinyarada loo jiheeyo dhinaca isboortiga badalkii ay dagaalo ka qeybgali lahaayeen.

Max’ed cajiib gudoomiyaha SYAO ayaa isna khudbad uu u jeediyey dadweynihi ka soo qeybgalay waxuu sheegay in koobka Iftiinka nabada ee ay soo qabanqaabiyeen SYAO uu u muuqdo ka qeybgalkiisa mid ay dadweynaha aad u xiiseynayaan , waxaana uu sheegay in la sii wadi doono si dadka loo baro is dhaxgalka bulshada.

“Waxaan fahmeynaa in dadka ay sii fahmayaan isboortiga waa sii wadi doonaa anagoo degma walba gaari doono”ayu yiri Cajiib.

Kooxda Qalib ayaa kaga adkaatay kooxda Lion Africa 2-0 ayaa la gudoonsiiyey hadiyado koob iyo qalab kale oo isboorti.

Ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay jawi dagan , iyadoo ammaankana ay aad u adkeeynayeen ciidamada amaanka degmada iyo kuwa gobolka.

KOOBKA11.jpg
KOOBKA12.jpg
KOOBKA2.jpg
KOOBKA3.jpg
KOOBKA5.jpg
KOOBKA6.jpg
KOOBKA7.jpg
KOOBKA8.jpg
KOOBKA9.jpg

Hiiraan Online News Desk
Muqdisho , Soomaaliya