Wednesday, May 22, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Yuusuf Garaad oo ka ruqseystay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da

Yuusuf Garaad Cumar
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Bartiisa facebook ayuu Yuusuf Garaad ku soo qoray warkan, wuxuuna sheegay in uu 20 sano kaddib maanta xilkaas ka ruqseystay.“20 sano kaddib, waxaan maanta ka ruqseystay BBC World Service oon u ahaa Madaxa Laanta Soomaaliga. Waxaan tegeyaa dalkeyga hooyo si aan uga qeyb qaato xasilintiisa iyo dib u dhiskiisa. Allow noo sahal”ayuu bartiisa facebook ku soo qoray Yuusuf Garaad.

Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa muddo dheer la soo shaqeynayay BBC World Service guud ahaan, gaar ahaanna Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da, isagoo marka laga soo tago in uu ahaa madaxii Laanta uu dhanka kale ka mid ahaa Barnaamij soo saarayaasha iyo wariyayaasha ugu howl-karsan Laantaas.

Intii uu xilka madaxnimo ee Laanta Afka Soomaaliga hayay Yuusuf Garaad waxaa uu wax ka bedelay qaabkii shaqo ee laanta, isagoo sidoo kalena ku soo daray wariyayaal badan oo cusub, inkastoo ay xusid mudan tahay in ay shaqadii laanta ka tageen wariyayaal dhowr ah oo qaarkood iskood uga tageen, halka kuwo kalena ay meesha uga baxeen is-qabad ay is-qabteen Yuusuf Garaad.

Inkastoo uusan Yuusuf Garaad si cad ugu sheegin farriintiisan in uu arrimaha siyaasadda u weecday, haddana waxaa jira warar sheegaya in uu hunguri kaga jiro siyaasadda Soomaaliya oo uu weliba doonayo in uu ka mid noqdo musharrixiinta dooneysa in ay qabtaan xilka madaxweynenimada Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com





Post your comments

8/6/2012 2:15 PM EST
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo.

8/6/2012 8:32 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

8/6/2012 8:16 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

8/6/2012 7:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

8/6/2012 7:49 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).

8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.

8/6/2012 3:29 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.