Tuesday, June 18, 2013
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 6 , 2012
Dagaal culus oo degmada Xudur ee Gobolka Bakool ku dhexmarya Ciidamada DKMG ah, kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab

Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10-qof oo labadii dhinac ee dagaalamay ka mid ah, iyadoo la sheegay in tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Xoogag taageersan Al-shabaab oo weerar ku qaaday degmadaas oo ay ka taliyaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya ee garabka siinaya ayaa isku bedel dagaal culus oo khasaare badan dhaliyay.

"Ciidammo taabacsan Al-shabaab ayaa gudaha u soo galay qaar ka mid ah xaafadaha degmada Xudur, wuxuuna dagaalku ka socday muddo saacado ah," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur oo warbaahinta la hadlay.

Goobjoogaha ayaa sheegay in dagaalku uu shalay gallinkii dambe ka billowday meel duleedka ka ah degmada Xudur oo ay ku yaalleen saldhigyo ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya lahaayeen, balse uu xalay la isla soo galay gudaha degmada.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay ka gaareen dagaalkaas ujeedkii ay ka lahaayeen ayna ciidamadooda dib ugu laabteen fariisimihii ay markii hore kasoo duuleen oo ku yaalla meel ku dhow degmada Xudur.

Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah ee ku sugan gobolka Bakool ayaa sheegay inay iska caabiyeen dagaalka, iyagoo intaas ku daray inay khasaare badan gaarsiiyeen xoogaggii Al-shabaab ee degmadaas weeraray.

Illaa hadda ma jiro dhinac sheegay khasaaraha kasoo gaaray dagaalka, wuxuuna ka mid noqonayaa dagaalkan weerarro ay tan iyo billowgii bishan Ramadaan ka wadday Al-shabaab degmooyin iyo deegaanno ku yaalla gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





Post your comments

8/6/2012 7:11 PM EST
Talaado, August 07, 2012(HOL): Madaxii Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da Yuusuf Garaad Cumar Axmed ayaa shaaciyay in uu xilkaas iska casilay, isla markaana uu ka qeybqaadan doono xasilinta iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya.

8/6/2012 2:15 PM EST
Guddida Doorashooyinka Somaliland oo ka digay inay doorashooyinka golaha deegaanku dib u dhacdo.

8/6/2012 8:32 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaydiid) oo toddobaadkii hore loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kulammo la yeelanayo madaxda DKMG ah ee Soomaaliya.

8/6/2012 8:16 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Bannanaabax ay ka qaybgaleen dad aad fara badan laguna taageerayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii Al-shabaab ay isaga baxday Muqdisho ayaa lagu qabtay maanta garoonka kubadda cagta ee Istaadiyum Koonis.

8/6/2012 7:58 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Xiisado dagaal ayaa maanta laga dareemayaa degmooyinka Afmadow iyo Badhaadhe halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo garab ka helaya Militariga Kenya ee dhawaan ka mid noqday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

8/6/2012 7:49 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaa saaka lagu diley xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka, laguna magacaabi jirey Cabdiqaadir Sheekh Maxamuud (Shaybe).

8/6/2012 3:43 AM EST
Isniin, Ogoosto 06, 2012(HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku sheegay wareysi uu siiyay shabakad dalka Jabuuti laga leeyahay oo lagu magacaabo Djibouti's La Nation inay ka go'an tahay inay ka geystaan gacan buuxda nabad kusoo celinta Soomaaliya.