4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2010
Maamulka degmada Saakow oo haweenka ka mamnuucay ka ganacsiga Jaadka

Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada saakow ee gobolka J/dhexe ayaa ka mamnuucay haweenka ku dhaqan degmadaasi ka ganacsiga qaadka, iyadoona uu maamulku sheegay in arintaasi tahay mid aysan ogoleyn shareecada Islaamka.

Gudoomiyaha Degmada Saakow Sheekh Ridwaan oo la hadlayay saxaafadda ayaa sheegay in go’aan manta kazoo baxay maxkamadda sare ee degmada Saakow looga mamnuucay haweenku in ay ka ganacsadaan qaadka, isagoona sheegay in ay awaamiirtaasi dhaqan gelin doonaan laga bilaabo maanta.

Gudoomiyaha ayaa intaasi ku daray in ciidamada amaanka degmada Saakow ay bilaabi doonaan howlgallo ay ku xaqiijinayaan sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanka kazoo baxay Maxkamadda sare.

Go’aanka maanta kasoo baxay maamulka degmada saakow ee gobolka J/dhexe ayaa kusoo beegmaya xilli maamulka degmada Kismaayo uu hore usoo saaray awaamiir ceynkan oo kale ah oo haweenka looga mamnuucay in ay ka ganacsadaan qaadka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya