5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 21, 2010
Ururka Xisbul Islaam oo sheegtay mas'uuliyadda weerar ismiidaamin ahaa oo lala damacsanaa Madaxtooyada

Talaado, September 21, 2010 (HOL) − Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha dagaalka kula jira dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerar fashilmay oo la damacsanaa xalay laga fuliyo Madaxtooyada Soomaaliya.

"Mas'uuliyadda weerarkii Madaxtooyada innaga ayaa ka dambeynay, ruuxa watay qorshahana wuxuu ka tirsan yahay Xisbul Islaam, waxaana lagu magacaabaa Muuse Cali Cabdulle Khayre," ayuu yiri afhayeen u hadlay Xisbul Islaam, kaasoo sheegay in weerarka la fuliyay.

Afhayeenka Xisbul islaam Maxamed Cismaan Caruus oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid fariin ah oo ay u direen dowladda, isagoo xusay inay sii wadyaan weerarrada noocaas oo kale ah iyo dagaallada tooska ah.

"Ruuxa weerarka isku dayay wuxuu ahaa 20-jir, waxaana dilay ciidanka ammaanka, markii ay ogaadeen inuu yahay ruux damacsanaa fal isqarxin ah," ayuu saxaafadda u sheegay C/rashiid Khaliif Xaashi oo ah madaxa warfaafinta Madaxtooyada.

C/rashiid, ayaa intaas raaciyay inaysan qarxin waxyaabihii ku xirnaa, wax khasaare ah oo ka dhashay rasaas uu furayna aysan jirin, wuxuuna xusay in lagu toogtay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya, isagoo watay qori AK-47 ah iyo bambo-gacmeed.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo Xisbul Islaam ay isku dayaan inay ku qaadaan xarun ay dowladda KMG ah leedahay, waxaase u suurogashay ruuxa falkaan damacsanaa inuu ka gudbay albaabbada la sugo ammaanka Madaxtooyada, waxaana la sheegay inuu horay uga tirsanaa ciidanka dowladda.

"Baaritaanno, ayaa socda, si loo ogaado sababta uu kusoo galay Madaxtooyada iyo halka uu kasoo galay, markii ay baaritaannadaas dhammadaan ayaa faahfaahin dheeraad ah la bixin doonaa," ayuu yiri C/rashiid Kaliif.

Xarrakatul Shabaab oo ah kooxda ugu awoodda badan kooxaha dagaalka kula jira DKMG ah ayaa waxay horay u fuliyay laba weerar oo qorsheysan kuwoo lagu kala qaaday Hotel Muna oo xidhibaano ay daganaayeen iyo garoona diyaaradaha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya