50- Sano Guuradii ka Soo Wareegtay Xornimadii Soomaaliya oo Puntland laga xusay


Khamiis, Jully 01, 2010 (HOL) − Taariikhda soo yaalka ah ee Dalka Soomaaliya ayaa waxaa hordhac u ah 1da Luulyo oo ah maalin aad iyo aad ugu wayn qof waliba oo Soomaali ah oo jecel Shacabkiisa,Diintiisa iyo Dalkiisa,Waxaana 1-da Luulyo ay tahay Maalin Baal wayn kaga jidha Taariikhda umada Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Joogaan.

Ururkii siyaasiga ahaa ee ay hogaaminayeen 13-kii dhallinyaro ee SYL ayaa horseed u ahaa Xornimadii ay gaadhay Soomaaliya 1dii Luulyo 1960-kii,Markaasi oo ay dhibaatooyin badan kala kulmeen Gumaystihii xiligaa wadanka haystay.

Xuskan 50 sano-Guuradii ka soo wareegatay 1-da Luulyo ee Sanadkii 1960-kii oo ay Soomaaliya Xornimo buuxda heshay,ayaa waxaa kaloo midoobay labadii Gobol ee Waqooyiga iyo Koonfurta Dalka Soomaaliya,Waxaana Munaasbad Maalinta lagu xusayo lagu qabtay meelo kala duwan oo ka mid ah Gobolada Somaliya ,Gaar ahaan Puntland.


Munaasabad si heer qaran ah loo soo agaaismay oo lagu xusayo 1- luulyo ayaa xalay lagu qabtay guriga madaxtooyada ee Magaalada Bosaaso,taasi oo ay ka qayb galeen madax kala duwan oo ka tirsan Puntland iyo Taliyayaasha Ciidamada Boliska Ee Gobolka.

Waxaa Xafladaasi lagu soo bandhigay Qiimaha ay leedahay 1-Luulyo iyo waajibka qofkasta oo Soomaali ah Maalintan ka saaran in uu xuskeeda ka qayb qaato ,Maadaama Xornimada Somaaliyada ay soo Martay Marxalado kala duwan.Taliye Ku Xigeenka Ciidanka Boliska Puntland Maxamed Siciid Jaqanaf oo ka hadlay Munaasabada 1 Luulyo ayaa sheegay in halgankii xornimadan uu dhiig badan ku soo daatay ,Loona baahanyahay in Maalintan qiimo gaar ah la siiyo.


Guddoomiyaha Gobolka Bari Sheekh C/Xaafid Cali Yuusuf ayaa ku sheegay Maalintan in ay tahay Maalin Farxad u ah Umada Reer Puntland meel kasta oo ay joogaan,uuna Salaan u dirayo Qaybaha kala duwan ee umada Soomaaliyeed.

Markii la gaaray 12:00 habeenimo ee xalay ayaa la suray Calanka,waxaana qofkasta ka muuqatay xornimada uu u hayo 1-Luulyo oo dhibaatooyin badan loo soo maray.

Ugu danbayntii Waxaa kaloo 1-Luulyo laga xusay Magaalooyinka Garowe ,Galkacyo iyo Qardo,Waxaana madaxda Puntland ay dhamaantood Hambalyo u diraan umada soomaaliyeed.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya