Khamiis, July 01, 2010 (HOL) − Hay'adda Culummada Soomaaliyeed ayaa sheegay inay bannaan tahay in xaflado lagu maamuusayo maalinta Xorriyadda sida 1-da Luuliyo la sameeyo, aysanna xadgudub ku ahayn diinta Islaamka.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha Hay'adda oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay diintu ay ogoshahay in la dhigo xuso maalinta Xorriyadda oo uu sheegay inay tahay maalin aan ka horimaanayn Diinta.
"Inkastoo Islaamku uu banneeyay laba ciidood, haddana ma reebana in la xuso maalin gaar ah oo lagu xusuusto xorriyadda, maadaama ay u soo dagaalameen culummo iyo Caamo" ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo intaas ku daray:
"Xuska la dhigayo waxaa la rabaa inuu yahay mid ka baxsan sharcida Islaamka, mana jirto wax Islaamka ay u dhibayso in la xuso maalinta xorriyada, waayo diinta Islaamka ayaa na faraysa Wadaniyadda".
Guddoomiyaha Hay'adda Culummada Soomaaliyeed wuxuu sheegay in Nebiga uu la kulmay Ansaartii Madiina oo laba maalmood xusaya, wuxuuna u sheegay inay iska daayaan Ilaahayna uu ugu badalay laba maalmood oo ka khayr badan (Labada Ciidood ee Islaamka).
"Haddii dabbaaldaggu uu yahay mid soo jiray Diinta Islaamka ka hor waa xaaraan in la dhigo, sidoo kalena haddii uu yahay mid la mid ah Maalinta Caafimaadka, Maalinta AIDS-ka iyo Maalmaha la midka ah waa xaaraan iyagana la maamuuso, balse 1-da Luuliyo waa mid intaas oo dhan ka duwan waana maalin xorriyadeed oo aan diin lug ku lahayn" ayuu yiri Sheekh Bashiir oo sharraxaad ka bixinayay maalmaha la ogol yahay in la maamuuso iyo kuwa aysan bannaaneyn.
Hadalka Sheekh Bashiir ayaa imaanaya iyadoo Ururka Xisbul Islaam uu shalay ku dhawaaqay inaan la xusi karin 1-da Luuliyo oo ah maalintii ay Soomaaliya ka xorowday gumeystihii Talyaaniga oo muddo haystay, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid diinta Islaamka ka baxsan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya