3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009
Jen.Cadde Muuse oo loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha cusub ee Puntland ee dhanka baarista Shidaalka iyo khayraadka

Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxwaynihii hore ee  DGPl General Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo isugu xafiiska ku wareejiyay madaxwayne Faroole ayaa durbadiiba loo magaacaabay la taliyaha xukuumadda cusub dhanka baarista shidaalka iyo khayraadka ku jira gudaha DGPL.

Madaxwaynaha Cusub ee DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole oo isugu maalintii shalay ahayd la wareegay  aqalka madaxtooyada magaalada Garowe ayaa Cadde Muuse uga mahad-celiyay ballanqaadkiisi ahaa in uu la  shaqayn doono xukuumadda Cusub.

Waxaa uu intaasi ku daray madaxwayne Faroole in Cadde Muuse uu daacad  ka yahay jiritaanka DGPL ,isagoo sheegay in Cadde Muuse uu u qalmo in wax laga waydiiyo xukuumadda cusub,waxaana uu u doortay la taliyihiisa khaaska ah, gaar ahaan arrimaha macdan-baarista Puntland.

Sidoo kale Madaxwaynihii hore ee DGPL General Cadde ayaa kula dardaarmay xukuumadda cusub in ay wax ka qabto baahida guud ee umadda Puntland iyo ammaanka, isagoo ku kaftamay in uu ammaankii ilaaway intii uu raadinayay shidaal ka soo baxa gudaha Puntland.

Xukuumadda cusub ee  C/raxmaan  Faroole ayaa lagu wadaa in ay dib u soo celiso ammaankii Puntland, sidoo kalena ay wax ka qabato arrimaha burcadda Badda iyo Berriga ee beryahan dadka Ajaaniibta iyo Maraakiibtaba qafaalanayay.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somalia













Click here
1/12/2009 9:31 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu duqeeyay madaafiic ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia, waxayna madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

1/12/2009 9:30 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha KMG ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay dib ugu noqdeen Magaalada Muqdisho.

1/12/2009 9:28 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Shukri Maxamed Cabdi oo buro ay dhabarka kaga taallo, isla markaana dalka gudahiisa wax looga qaban waayay.

1/12/2009 2:51 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxa xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay doonayay in ay ka baxaan fariisimo ay Muqdisho leeyihiin dagaal lagu joojiyay.

1/12/2009 2:49 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu duleedka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda.

1/12/2009 2:48 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka degan, iyadoo xalayna ay ku jirtay bandow ay ku soo rogeen xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Degmadaas gacanta ku haya.

1/12/2009 2:48 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Xasan Shiikh ayaa Xarunta Xafiiska Maamulka Goballka Hiiraan waxaa uu kaga dhawaaqay Magacyada Maamul Islaami ah oo loo sameeyay Degmada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan.

1/12/2009 2:46 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Dalka Ghana Mr. John Atta Mills ayaa u ballanqaaday Midowga Afrika in Dalkiisa uu si deg deg ah uga fiirsanayo in uu Ciidamo u diro Soomaaliya.