Wararka Maanta- Isniin, Jan 12, 2009


Dagaal ka dhacay duleedka Baardheere

Isniin, January 12, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in uu duleedka Degmadaas ka dhacay dagaal u dhaxeeya Xoogag Islaamiyiin ah iyo Ciidamo Itoobiyaan ah iyo Maleeshiyooyin Soomaali ah oo la socda.

Dagaalka oo ka dhacay Deegaanka Qalaliyow oo 20km u jira Degmada Baardheere ayaa wuxuu yahay mid dhinacyada uu u dhaxeeyo ay isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay sheegayaan Dad aan kala xiriirnay Degmada Baardheere weli waa waqti hore in la ogaado khasaaraha dagaalkan ka dhashay, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay in saraakiisha dagaalka horkaceysa ee labada dhinac ay ka gaabsanayaan in ay hadlaan, halka dadka deegaankana aanan weli wax war ah laga helin.

Dagaalkan ayaa wuxuu qarxay kadib markii ay xoogag Islaamiyiin ah  jidka u galeen Ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyooyinka Soomaalida ah ee la socda, kuwaasi oo xiliga la weerarayay lugeynayay.

Deegaanka Qalaliyow ee uu dagaalka ka dhacay ayaa wuxuu yahay dhul buuraley ah oo ay ku nool yihiin dad xoolo-dhaqato ah, waana deegaan ku dhow Webiga Jubba oo leh Dhul Daaq-sineed xoolo dhaqashada ku wanaagsan.

Wixii dagaalkan ku soo kordha kala soco halkan haddii Alle idmo

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

 

Madaafiic Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay oo lagu duqeeyay Suuqa Bakaaraha

1/12/2009 9:31 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa maanta lagu duqeeyay madaafiic ka soo dhaceysay dhinaca Xarunta Villa Somalia, waxayna madaafiicdaas geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Muqdisho ku laabtay

1/12/2009 9:30 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Ra’iisal Wasaaraha KMG ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxay dib ugu noqdeen Magaalada Muqdisho.

Ka qeyb-qaado gurmadka loo sameynayo Caruurta Xanuuneysa ee aan gudaha Dalka Soomaaliya wax looga qaban karin

1/12/2009 9:28 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Waxaa maanta garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga dhoofiyay Shukri Maxamed Cabdi oo buro ay dhabarka kaga taallo, isla markaana dalka gudahiisa wax looga qaban waayay.

Madaxa Xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta oo sheegay in Ciidamada Itoobiya oo Muqdisho xabad lagu joojiyay

1/12/2009 2:51 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxa xabad-joojinta Guddiyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti Xuseen Siyaad Qoor-gaab ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay doonayay in ay ka baxaan fariisimo ay Muqdisho leeyihiin dagaal lagu joojiyay.

Xaaladda Degmada Guriceel oo degan kadib dagaal khasaare geystay oo shalay ka dhacay

1/12/2009 2:48 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Xaaladda Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa saaka degan, iyadoo xalayna ay ku jirtay bandow ay ku soo rogeen xoogagga Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee Degmadaas gacanta ku haya.

Degmada Beledweyne oo markii ugu horeysay loo sameeyay Maamul Islaami ah

1/12/2009 2:48 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan Xasan Shiikh ayaa Xarunta Xafiiska Maamulka Goballka Hiiraan waxaa uu kaga dhawaaqay Magacyada Maamul Islaami ah oo loo sameeyay Degmada Beledweyne ee Xarunta u ah Goballka Hiiraan.

Jen.Cadde Muuse oo loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha cusub ee Puntland ee dhanka baarista Shidaalka iyo khayraadka

1/12/2009 2:47 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxwaynihii hore ee DGPl General Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo isugu xafiiska ku wareejiyay madaxwayne Faroole ayaa durbadiiba loo magaacaabay la taliyaha xukuumadda cusub dhanka baarista shidaalka iyo khayraadka ku jira gudaha DGPL.

Dowladda Ghana oo sheegtay in ay Ciidamo u soo direyso Soomaaliya

1/12/2009 2:46 AM EST
Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxweynaha cusub ee Dalka Ghana Mr. John Atta Mills ayaa u ballanqaaday Midowga Afrika in Dalkiisa uu si deg deg ah uga fiirsanayo in uu Ciidamo u diro Soomaaliya.




Africa Union Condemns Insurgent Attack on Somali Premier’s Residence -VOA

1/12/2009 11:41 PM EST
newsinsideThe African Union (AU) has sharply condemned Monday's attacks on the residence of Somalia's Prime Minister which reportedly left at least 13 people dead. Prime Minister Nur Hassan Hussein was in the palace when Islamic insurgents fired mortar rounds on the home in the Somali capital, Mogadishu.

'Sudan could get worse than Somalia': Turabi -AFP

1/12/2009 12:18 PM EST
KHARTOUM (AFP) - Sudan's most iconic opposition leader who has inspired Islamist movements across the world on Monday warned the country was at risk of becoming worse than Somalia should central authority break down.

Kenya minister condemns Saudi tanker ransom payment -AFP

1/12/2009 10:17 AM EST
NAIROBI (AFP) — Kenyan Foreign Minister Moses Wetangula on Monday condemned the payment of a ransom to free a Saudi tanker from Somali pirates and insisted his country would pay nothing to free a Ukrainian ship carrying weapons to Kenya.

Shells hit Mogadishu Bakara market, 11 dead -Reuters

1/12/2009 10:14 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Shells hit a crowded Mogadishu market and nearby residential area on Monday, killing at least 11 people in fighting between Islamist insurgents and Ethiopian-backed government forces.

Ghana to Send Peacekeepers to Somalia -HOL

1/12/2009 10:02 AM EST
Mogadishu, Somalia (HOL) - The newly elected President of Ghana Mr. John Atta Mills has told the African Union (AU) that his country is seriously considering sending a peacekeeping force to Somalia.

Three teaspoons a day to keep starvation at bay? -IRIN

1/12/2009 9:39 AM EST
JOHANNESBURG (IRIN) - Ready-to-eat blended food has revolutionised the treatment of children who are acutely malnourished. In a pilot project, the UN Children's Agency (UNICEF) will use a similar product not to treat, but to prevent malnutrition in conflict- and drought-ridden Somalia.

SOMALIA: Displaced families in dire need -IRIN

1/12/2009 9:35 AM EST
NAIROBI, 12 January 2009 (IRIN) - Thousands of families displaced in recent fighting in central Somalia are in dire need of food and water, according to the Elman Human Rights Organisation (EHRO), based in Mogadishu.

Family relief at hostage release -BBC

1/12/2009 8:04 AM EST
The wife of an engineer held hostage onboard the hijacked supertanker Syrius Star, has spoken of the family's relief at his release.

Captain of hijacked Ukrainian tanker in appeal for help -AFP

1/12/2009 7:58 AM EST
NAIROBI (AFP) — The captain of an arms-laden Ukrainian cargo ship hijacked by Somali pirates appealed Monday for its Israeli owner to engage in direct talks with its captors and end its crew's 15-week ordeal.

54 Filipino seamen still in Somali pirates' hands -Xinhua

1/12/2009 7:52 AM EST
MANILA, Jan. 12 (Xinhua) -- Fifty-four Filipino seamen remain in the hands of their ransom-seeking Somali captors after 36 of their colleagues were freed over the weekend, the Philippine Department of Foreign Affairs said on Monday.

Somali-Canadian Cultural Society trying to save kids from street -Sun Media

1/12/2009 12:29 AM EST
Four days a week in a classroom on the city’s north end, the Somali-Canadian Cultural Society uses school work to point its youth towards a brighter future, away from the bloodshed that has taken four of its young men in recent months.

Somalis Welcome Defeat of al-Shabaab Islamists -VOA

1/12/2009 12:14 AM EST
Somalis are celebrating reports of the defeat of the Islamic fundamentalist group al-Shabab after several members of their fighters were killed Sunday in fierce clashes in central Somalia.

Kenya and Uganda in Cecafa final -BBC

1/12/2009 12:07 AM EST
Uganda will play host to Kenya in Tuesday's final of the East and Central Africa Senior Challenge (Cecafa) Cup after both teams won their semi-finals on Sunday.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter