5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2009
Wararkii ugu dambeeyay ee Magaalada Beledweyne oo ay saaka gudaha u galeen Ciidamo Itoobiyaan ah

Sabti, August 29, 2009(HOL):Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay haatan degan tahay, inkastoo weli ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka gudaha u galay Magaaladaas.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada Itoobiya ay xarun ka sameysteen Xarun Dhaqancelin ah oo Iftin lagu magaacaabo, taasi oo ku taalla gudaha Magaalada. Waxaa jira warar sheegaya in Ciidamadan Itoobiyaanka ah ay dhaqdhaqaaqyo wadaan, iyadoo aan la ogeyn in dhaqdhaqaaqaas uu yahay mid ay dib uga noqonayaan Beledweyne iyo inuu yahay mid socodkooda ku sii wadayaan.

Dhanka kalena, waxaa jiro bililiqo loo geystay goobo ganacsi iyo guryo ganacsi oo ku yaalla Galbeedka Beledweyne, iyadoo bililiqadaasna ay dhacday kaddib markii ay Ciidamada Dowladda oo ay kaalinayaan kuwa Itoobiya ay la wareegeen gacan-ku-heynta Galbeedka Degmada Beledweyne.

Waxaa kale oo jira warar sheegaya in rasaas ay fureen Ciidamada Dowladda intii ay la wareegayeen gacan-ku-heynta Galbeedka Beledweyne , taasi oo sababtay dhimashada hal ruux oo rayid ah, iyadoo dilka ruuxaas rayidka ahna si weyn looga xumaaday.

Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Beledweyne kala soco halkan haddii Alle idmo

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]