5/9/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 29, 2009
Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Soomaaliya oo saaka la wareegay ammaanka guud ahaan Magaalada Beledweyne.

Sabti, 29, Aug, 2009 (HOL) Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waabarigii hore la wareegay dhamaan gacan ku heynta ammaanka guud ee Magaalada Beledweyne, gaar ahaan Xaafadda Howl-wadaag ee Galbeedka Magaalada oo ay gacanta ku hayeen xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
 
Ciidamada Itoobiya ayaa fariismo ka sameystay Labada Buundo ee Magaalada, Saldhiga Baliiska halka Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka u gudbeen dhinaca Xaafadda Howl-wadaag oo ay Ciidamadu ka wadaan baaritaan guri guri ah, waxaana intii uu baritaanku socday Ciidamadu ay soo qab qabteen dhalinyaro sida la sheegay loo shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha ku kacsan Dowladda Soomaaliya.
 
Ma jirin wax iska horimaad ah oo dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda, waxaana wararku sheegayaan in Xoogaggii gacanta ku hayay Xaafadda Howl-wadaag isaga baxeen kaddib markii ay ka warheleen Ciidamada ku soo wajahan, inkastoo meelaha qaar sida dad goob joog ah sheegeen lagu arkayay gaadiidka dagaalka kooxaha ka soo horjeeda Dowladda oo sii socda saakay Waabarigii hore.
 
Inkastoo isbadalka dhacay uu ahaa mid inta badan dadku saakay uun ku soo baraarugay ayaa haddana waxaa muuqaneysa in siweyn dhinaca kale loo hadal hayo Ciidamada Itoobiyaanka ah ee saakay fariisinka ka dhax sameystan gudaha Magaalada , iyadoo hadal heynta ugu badana tahay bal in Ciidamadu Itoobiyaaku ku sii nagaan doonaan Magaalada iyo in kale.
 
Soo galintaanka Ciidamada Itoobiya ayaa ku soo beegmeysa iyadoo  shalay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Beledweyne ka warheleen guri sida loo maleynayo lagu sameeyo waxyaabaha qarxa kaa oo laga soo saaray noocyada Banbooyinka Qaraxa, Biro yar yar oo la jar jaray, iyo waliba hub ay ku jiraan Bastoolado.
 
Sidoo kale Ciidamada Itoobiya ee maanta howlgalka ka wada Magaalada Beledweyne ayaa soo galintaakoodu ku soo beegmayaa saacado uun kadib markii uu Magaalada Beledweyne soo gaaray Guddoomiyaha Maamulka Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow oo bilihii ugu danbeeyay safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]