5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 30, 2008
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Gobolka Hiiraan ay wada hadal ku baxeen

Talaado, September 30, 2008(HOL): Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka fadhigiisu yahay Dalka Jibouti ayaa wuxuu warsaxaafadeed ka soo saaray  Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhawaan ka baxay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Isbaheysiga wuxuu sheegay in uu soo dhaweynayo ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Magaalada Beledweyne, wuxuuna sheegay in bixitaanka Ciidamadaas uu ku yimid wada hadal iyo dadaal dheeraad ah oo uu bixiyay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, gaar ahaan Guddigiisa Nabadgelyada.

Waa Allah mahadii haddii uu maanta Gobolka Hiiraan madax banaan yahay culeyskii  ciidamada gumeysigana  laga dulqaaday, dadweynihii barakacayna ay bilaabeen inay guryahoodii dib ugu soo noqdaan si ay noloshoodii caadiga ahayd dib uga bilaabaan halkaasi”ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Jibouti.

Isbaheysiga waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku amaanay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo uu sheegay in ay u dhabar-adeygeen sidii ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba u badbaadin lahaayeen.

“Gobolka Hiiraan waxa uu u baahan yahay dib u dejinta dadkii barakacay iyo taakuleyntooda ee uma baahna in laga shaqeeyo sidii colaad joogta ah loogu hayn lahaa, sidaasi darteed Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha Gobolka Hiraan iyo madaxadoodaba inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarinta danaha guud, dhegna aysan jalaq u siinin weedha xun ee ka soo yeereysa kuwa aan xilkaska ahayn” ayaa mar kale lagu yiri Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Sidoo kalena Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu baaq u diray Hay’adaha Samafalka haddii ay ahaan lahaayeen kuwa Wadaniga ah iyo kuwa Caalamiga ah, wuxuuna ka codsaday in ay gargaar la gaaraan Bulshada Soomaaliya ee ku dhibaateysan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Hiiraan, si ay uga soo kabsadaan burburkii gaaray xiligii Ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen gudaha Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntiina, Warsaxaafadeedka uu soo saaray Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Xoghayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Maxamed Siyaad (Indha Cadde) uu shaaciyay in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee ka baxay Magaalada Beledweyne ay ku baxeen awood ay ka arkeen Xoogagga Muqaawamada, isla markaana aysan wada hadal ku bixin.

Salaad Iidow  Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia